Muuqaalo hor leh oo naxdin ku abuuray beesha caalamka iyo damiir xumada carabta oo aan ilaa hada ka hadal dhiigooda iyo diirkooda baylahda ah.
Hargeysa(Warsugannews)Marba marka ka danbaysa waxa isa soo taraya muuqaalo argagax iyo nadin ku baruuraya mulsho weynta caalamka ku dhaqan, taas oo ka soo kordhaysa dhinaca badaha u dhexeeya wadamada yurub iyo Syria.
shalay uunbay ahayd markii la helay wiil aad u da’a yar oo reer Syria ah oo badu soo tuftay ka dib markii ay hooyadii la tahriibtay wiilkaaso oo loo aqoonsaday tahriibihii ugu yaraa ee badu liqdo lagana helo maydkiisa xeebta.
hadaba waxa soo kordhaaya marba marka ka danbaysa meydadka caruurta badu ligday ku safraayey ama waalidkoodu ula cararayeen iyaga oo ka qaxay dalka Syria oo ay ka socoto colaad baahsani oo sokeeye.
muuqaaladan aad u jeedaana waa kuwo hor leh oo muujinaaya dayaca ka muuqda muslimiinta ku dhiban kuna barakacay wadanka Syria iyada oo ay dhegaxa ka furaysteen wadamada carabtu, indhahana ka xidheen silica iyo rafaadka sababay in caruur aan waxba galabsan oo aad u da yari ku leedaan badaha u dhexeeya Carabta iyo wadamada yurub.