PUNTLAND Oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Ku Wareejisay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta

0
274

Wasiirka duulista maamulka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa magaalada Dubai ee isku tagga imaaraadka Carabta ku saxeexay heshiis ay Puntland ku wareejinayso maamulka garoonka diyaaradaha Bosaso.

Shirkadda TISL ee laga leeyahay Dubai ayaa si rasmi ah ula wareegidoonta madaarka Boosaaso, balse lama sheegin muddada ay maamuli doonto iyo dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan.

Puntland waxay sheegtay in shirkadda TISL ay Hormarin iyo ballaadhin ku sameynayso madaarka Boosaaso, kaaso billaaban doona bisha January ee sannadka cusub ee 2021, waxaana uu dhammeystir u yahay heshiis ay hore u galeen Puntland iyo shirkadda TISL.

Waa shirkaddii labaad oo laga leeyahay dalka Imaaraadka oo la wareegaysa mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan dakhliga. Shirkadda DW-world ayaa hore ula wareegtay maamulka dekedda Bosaso.

Heshiiskaan cusub ayaa kusoo aadaya xilli aad looga walaacsan yahay dekedda Bosaso oo tan iyo markii lagu wareejiyay DP-WORLD aan laga soo sheegin wax la taaban karo oo horumar ah oo dekedda ku siyaaday.

Madaarka Bosaso oo sannadkii 2016 xarriga laga jaray kadib dib u casriyayn lagu sameeyay, ayaa kamid ah garoomada ugu ballaadhan Soomaaliya, balse nasiib-darro weli ma helin suuq caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here