Rai’sul wasaare Abiy oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagay caasimadda Tigrey

0
273

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekele tan iyo intii uu amray howgalkii militari ee ka dhanka ahaa gobolkaasi.

Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan golaha cusub ee loo dhisay in ay gobolkaasi hogaamiyaan.

Dhanka kale waxaa uu rai’sul wasaaraha Itoobiya kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Cabdalla Xamdok.

Sargaal u hadlay xukumadda Sudan ayaa sheegay in Mr Xamduuk uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac ee itoobiya isku haya.

Balse bayaan uu soo saaray My Abiy laguma xusin in dhexdhexaadin ay jirto.

Mr Abiy ayaa bayaankiisa ku sheegay in wefdiga Sudan ay taageereen tallaabadii militari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigrey ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Dalka Sudan ayaa waxaa u qaxay 50,000 oo ah qaxootiga ka barakacay dagaalka gobolka Tigrey.

Horraantii bishii November ayay ahayd markii duulaan uu amray rai’sul wasaare Abiy lagu qaaday gobolka Tigrey.

Qaxooti badan ayaa u qaxay dalka Sudan

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”.

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

Waxay Dr Abiy Axmed horay ugu eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu “ku sameysan lahaa dowlad sal adag”.

“Waligeen ma taageeri doonno qof walba oo ujeeddadiisu tahay inuu kala dhantaalo xaqa aan dadaalka dheer usoo galnay ee ah inaan “ismaamulno” iyo inaan “go’aan gaar noo ah lahaanno,” ayuu yidhi hoggaamiyaha gobolkaas, Debretsion Gebremichael, oo hadlay bishii August.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here