Riyaddii Rumawday Qeybtii 11-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
397

Ismaaciil waa arday saaka gurriga ka jarmaadday oo Iskuulkii u kallahay,maanaanu helin wax nusasaace ah maanta oo waxa wax uu cunno ugu danbaysay Saaka Subaxdii oo uu Saddex Midh oo Laxooxa iyo Koob shaaha oo bigays ah oo aan dhinac-na kaga dhicin uu ka helay Xaafadda.Waxa uu si daal iyo muuqaal-jaago ahi ku jirto u dhex-jiifaa Qolka,waxaana uu u dhegtaagayaa Xiliga ay Caruurta kale Walaashoodan weyn ka dalbadaan inay qeddada u kala gurto,waayo isagu malaha Awoodda ah inuu dalbado in qeddo la siiyo oo waaxa u ka cararayaa in eed loo soo raaco ama ay haddalo aflagaado iyo dhibaatayn ah ay uga timaado Caruurtan ay Ilaambtiga yihiin.Waxa uu iska dhawrayaa Sharkoodda,waxaana uu ka baqayaa inay ka dhigtaan Fursad ay ugu mar-marsiyoodaaan.Iyadda xaal sidaas yahay,ayaa waxa Gurrigii soo gashay Gabadhii Eddada u ahayd ee caruurta dhashay,waxaana ay isla-markiiba Isha ku dhuftay Ri’yo gurriga ku dhex-jira oo qeybtii Madbakha ee Gurriga ka dhex-shanqadhaya,ka dibna waxay si deg deg ah oo qeylo leh u tidhi ; “ Naayaadheheen,waa maxay Ri’yahan gurriga soo galay?oo kaalay sawkuwan Dherrigiina daadiyay! Yaa soo dayay? Yaa Al-baabka soo dhaafay isaga oo furan? Maanad Inan (gabadh) weyn ahayn? Waa maxay siddani…”? Intaas markii ay tidhi,ayaa waxa qolalkii kasoo wada baxay Caruurtii oo uu Ismaaciil-na ka mid yahay,waxaanay si Firgo-naxsan u yidhaahdeen: “ oo goormay soo galeen? Sawnagii hadda uun gurriga nimid! Malaa hore ayay usii joogeen”?

“Naa may joogine’ sheegga qofkii ugu danbeeyay ee gurriga soo gala,haddii kale maanta ta idinku dhacda idinkaa ka sheekayn.! Oo biyihiina sawkuwan iyana daatay? Maanta uunbuu jabkiin galay”.Ayay si cadho xoogani ka muuqata u tidhi Gabadhii,waxaanay dibadda Gurriga uga saartay Ri’yihii iyada oo si weyn u cadhaysan oo Hiif-tamaysa.

Inantii weynd,ayaa tidhi “ dee Hooyo,markii aan aniggu gurriga soo galayay waxa iga danbeeyay Ismaaciil oo waxaan ku idhi Gurriga Al-baabka usoo celi markaad soo dhaafto.Maalaa dee isaga soo dhaafay? Waa waxaas dhiman e’.Waxaan waliba u raaciyay Ri’yihii ayaa gurriga hor-fadhiya ee yaanay soo galin gurriga,Hooyo ayaa ina-qabsanaysee.Ta kale,uu ogyahay in gurriga ri’yaha laga ilaaliyo oo Qooshka iyo Qeddaba daadinayaan,markaas bal isaga weydii”. Intaas markii ay Inantii reerka u weynayd ee ay Islaantu hadalkeeda maqli jirtay ku tiraabtay,ayaa intii aanu Ismaaciil oo naxsan,kana wel-welsan been-abuurka laga samaynayo iyo ciqaabta kusoo foolka leh,ayaa waxa hadalkii isna qaatay Wiil ay Inanta walaalo yihiin,kaas oo sii adkeeyay hadalkii walaashii ee ahaa in Masuuliyadda waxa dhacay uu leeyahay Ismaaciil,taas oo uu sheegay in Ismaaciil ahaa qofkii ugu danbeeyay ee Al-baabka kasoo gala,isla markaasna soo dhaafay isaga oo furan,sidaasna ay Ri’yuhu kusoo galeen dhibkan ay ku gaysteen.

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here