RIYADII SAC-MAALADDA
Waa-hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku uuman nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa.
Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnaaan jirtay saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu ka soo bixi jiray musharax u laylisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada, isla-markaana waxa lagu kala saari jiray hadba ka buuxiya 10-qodob oo u ahayd astaan, laguna qiimeeyn jiray hoggaamiyenimada.
Habkan kala xulashada waxa kale oo ay lahayd xil-wakhtiyeed leh gu’yaal cayiman, taasoo ahayd hab-dunida ku cusubaa kagana soocnaayeen boqortooyooyinkii kale ee jiray, waxaanay dhaqan jireen kumanaan kun oo xoolaha gees-layda Lo’da, dhinaca noloshana ay ku tiirsanaayeen dhaqaalaha ka soo baxa ka ganacsiga suuq-geynta caanaha lo’daasi, Inkastoo boqorkaasi uu lahaa fikrado horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, haddana waxa sabab u ahayd guul-daradiisii fikrad ka mid ahayd fikradihiisii oo ahayd inuu raali-galiyo qof kasta.
Qaabkii hoggaamineed ee boqorkaasi iyo casharadii laga bartay, waxaynu halkan ku iftiimin doonaa hogaamintu in ay tahay khariidad lagu gaadho guusha ay u baahan yihiin koox ama ururba, waana isbedelka fikradaha cusub ee loo haraadan yahay iyo himalada, taasoo caawisa kuwa qabanaya waxa saxda ah, ka dibna waxay ku jiheysaa dhisitaanka hiigsiga aragtida himilada iyo abuurid cusub, Hoggaaminta aassaasskeedu waa dhaqan iyo waayo aragnimo, mana aha aqoon keliya, waxayna ku nooshahay himiladeena mana aha waxa ay inala tahay sida malaheena.
Hoggaamiyahaasha intooda badani waxay u isticmaalaan xirfada maareynta, jihadii ay doonayeen dadkoodu inay ku gaadhaan hiigsigooda, oo ah mid loo siman yahay oo xaq ah, Waxa kale oo khariidadu ina siisaa jiheyn u kala dajisan, siday u kala mudan yihiin iyo astaamo muujinaya in la gaadhay wixii la doonayay oo uu bartilmaameedku ahaa.
Haddana inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu mid bulshadeed, diimeed, siyaasadeed iyo ollole-kooxeed, haddana garaadkeenu wuxuu bixiyaa muuqaalo kala duwan, sida”, Hogaamiye siyaasadeed: oo raad-ceeya xiisihiisa ay keento qofnimadiisu.
Sahamiye: ka sii gooya wadadii uu maray dhirtii ay ku sii nasan lahaayeen kooxdii la socotay, Fuliye: horumariya xeelada shirkadu ay kula dagaalami lahayd tartanka.
Habkii geedi socodka hogaamineed ee boqorkaasi waxa ay ahayd nooc ka mid ah hogaaminta la yidhaahdo: Hoggaaminta isbedel-doonka, oo loogu magac daray “ Gubashada ka dib horumarka”, ka dib, markii ay dhamaan wada badeleen qaabkii loogu tallo-galay hab u socodka maareynta iyo tixraaca wax-qabaddadii ka sii socday xafiisyadii loo magacaabay sac-maaladaasi, waxay sababtay inay bur-buraan dhamaan adeegyadii bulshadu ay ku tiirsanaan jireen iyo inay hoos uga sii dhacdo hab nololeedkii bulshadu ay hiigsanaysay, arrintaasoo dadka indheer-garadka ahi ay hoosta ka xariiqaan isbedelka in la illaaliyo qaabkii loogu talagay hab u socodkii maareynta iyo in sidoo kale la hagaajiyo tixraacyadii wax-qabad kasta oo soo socday.
Boqorku isagoo isha ku sidii ay u sii jiri lahayd awooda xukumadiisaasi, wuxuu isticmaalay inuu sameysto meelo uu wax ku sii qarsado, waxaanu magacaabay Sac-maalo ahaa Shan- xamaal oo awood badan, kuwaasoo xariifiin ku ahaa siyaasada ganacsiga bulshada ee farsamada casriga ah ee loo isticmaalo suuq-geynta ganacsiga caanaha lo’da, ee afka qalaad loogu yeedho”. PEST Analysis (political economic social and technological analysis, iyo sidoo kale, ollolaha suuq-geynta waxkasta oo adke ah iyo Subaga saafiga ah ee laga saaro burcad laga lulo caanaha lo’da, sac-maaladaas oo ay isweydiintoodii ay ahayd in ay ka fikiraan sidii ay reerkoodu faa’iido ugaga heli-lahaayeen adeegyadda ganacsiga ee kala duwan, mudnaanta koowaad ee ugu fiicana la siiyo iyaga , lagana horeysiiyo cid kasta oo kari karta, taasoo afka qalaad loogu yeedho “USP Analysis (unique selling proposition analysis).
Waxa kale, oo ay iskaashi la yeesheen sac-maaladaasi, shaqsiyo kala duwan heerarkoodu oo ka mid ahaa bulshadaasi, iyagoo wax u qabanaya, oo ay siinayeen shaqsiyaadkaasi qaar ka mid ah gaadiid iyo lacag, taasoo ahayd sidii malahoodu uu ahaa in ay ku gaadhi karaan tartanka musharaxnimada mansabka ugu sareeya tallada dalka, isla-markaana ay dadka garaadkooda kaga iibsadaan lacag ay ku gaadhaan awooda jagada hogaaminta.
Inkastoo, lagu sameeyo qiimeyn iyo baadhid xaalada ka taagan deegaanka, ganacsiga, iyo shaqsiyaadkaba, taasoo la yidhaahdo, habka barashada baadhida heerarka aqoonsiga awoodaha wax-qabad ee gudaha, awoodaha uu ku liitay iyo fursadihii uu ka lumiyey arrimaha dibada ee xasaasiga ahaa, taasoo iyana afka-qalaad loogu yeedho “ SWOT (Strengths, Weaknesses, Opportunities and Threats )
Waxa kale oo sac-maaladaasi ay inta badan ka fikiri jireen oo ay jecleysanayeen, sidii ay u dhex-galin lahaayeen ganacsigooda iyo sidii ay ugu tartami lahaayeen tartamayaashoodu guusha iyo sidoo kale, inay raadiyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen dib u cusboonaysiinta guusha, (Innovate successful)
Noocani waa nooc u eeg qaabka ganacsi oo kale, kaasoo ah mustaq-balka geedi socodkoodaasi, laakiinse, waxa tijaabiya oo ku guuleysta arragtidoodii goobaha suuq-geynta ganacsiga, kuwaasoo ah kuwa ugu haboon baadhida ugu xeel-dheer ee suuqyadda.
Furaha qiimeynta hoggaaminta boqorkaasina waxay noqotay tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo, casharada hore ayaa wax laga bartaa.
Waxaana haboonayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin, oo ay fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti