Sababihii Yagleelidii British Somaliland
W/Q: Cali Cabdi Coomay
Ingiriisku wuxuu xoog ku qabsaday dhulka yamanta koonfureed xarunteeda Cadan sannadkii 1839-kii. Hadaba danaha ugu weyn ee ingiriisku ka lahaa aasaaska British Somaliland ayaa lagu sheegaa dhawr arrimood oo ay ugu weyn yihiin:
• Inay u fududaato safarada maraakiibta u kala goosha Hindiya iyo Somaliland
• Inuu iska ilaaliyo awood kale oo soo degta Somaliland oo khatar galisa awood uu ku leeyahay geeska afrika.
• Inuu helo hilibka macaan ee xoolaha Somaliland oo ay jeclaayeen ciidamada ingiriisku.
• Markii la furay biyo-isku-xidhaha Masar ( Suweys Canal) sannadkii 1869-kii ayuu ogaaday mihiimada iyo istaraatijiyada ay leedahay Somaliland.
Wixii intaasi ka dambeeyey waxay dareemeen mihiimada guud ahaan geeska afrika gaar ahaana Somaliland. Waxa ay soo dedejisay tartarankii reer Yurub u galeen guud ahaan dhulka geeska afrika. Dabayaaqadii qarnigii 19-naad waxa geeska afrika qaybsaday dalalka Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiika iyo Itoobiya oo heshiis la gashay reer yurub. Dhinca kalena Boqortooyadii Cumaaniyiinta oo ay Masar wakiil ka tahay ayaa soo galay tartanka loo galay galayo Geeska Afrika. Sannadkii 1870-kii ayaa guddoomiye reer Masar ah loo magacaabay dhulka Somaliland iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Laga soo bilaabo Saylac ilaa Gardafui. Waxay saldhig ciidan laga ka samaysteen dekeda Saylac iyo Berber. Waxa kale oo saldhig laga sameeyey magaalaga Harar oo Itoobiy ku taal. Xarumahan waxa toos u maamulayey Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo Masar lafteeda dusha ka haystay. Horaantii sannadkii 1885-kii ayey si kedis ah ciidamadii Masar uga baxeen dhulka Somaliland, sababta bixitaanka ayaa ahaa culays kaga yimid kacdoonkii Mahdiga Suudaan iyo ciidamadiisii Daraawiishta oo laga cabsi qabay inay Masar soo weeraraan.
Ka bixitaankani wuxuu ku soo beegmay iyadoo reer yurub ku mashquulsan yihiin kala qaybsiga qaarada Afrika. Ingiriiska oo markii hore raadinayey fursad uu saldhig ugu yeesho geeska afrika gaar ahaan Somaliland, si qiil ugu helo inuu gaadho dhulka Somaliland ayaa Cusmaaniyiinta ogaysiisyey inay laba beelood oo soomaali ahi isku laynayaan agagaarka Saylac, oo in la kala dhexgalo ay mudan tahay. Waana horaantii 1884-kii. Wakhtigan waxay ahayd markii uu intii ugu dambaysay ciidamadii Masar kala baxeen dhulka Somaliland. Ka dib Cusmaaniyiinta ayaa ogolaaday inuu ingiriisku dhexgalo oo kala qabto. Taasina waxay noqotay fursadii ugu horaysay ee ku helo inuu soo galo dhulka Somaliland.
Arrimihii Keenay Heshiiskii uu Ingiriisku la galay Odayaasha Somaliland.
Sannadkii 1825-kii ayaa markab la odhan jiray Mari Anne lagu weeraray meel u dhow magaalada Berbera. Waxaana dab la sudhay markabkii kuwii saarnaa waxa laga dhigay wax la dhintay iyo wax dhaawac ah. Ka dib waxa dhacday inuu ingiriisku dalbado heshiis lala galo beesha Habar Awal gaar ahaan Nuux Ismaaciil oo wakhtigaasi gacanta ku hayey magaalada Berbera.
Taasina waxay keentay inay beesha Habar Awal bixiso mag-dhaw dhan 64 Ginni oo lacagta ingiriiska ah. Ka dib la galo heshiiskii ugu horeeyey sannadkii 1827-kii. Waxa kale oo dhacdadaasi ku xigtay weerarkii loo geystay sahamiye Richard F. Burton oo isku magaacabay ( Sh. Cabdalla) balse gaal ahaa iyo saaxibadii oo qaarkood si xun loo dhaawacay sannadkii 1856-kii. Markii ay labadan dhacdo qabsadeen ingiriiska ayey khasab ku noqotay inuu heshiis la galo odayaasha Somaliland. Waxaana qoraal kooban ku sheegay wakiilkii ingiriiska inay khasab tahay heshiis lala galo beelaha Somaliland, oo ah gaar ah ku adag dhaqanka iyo diinta. Mudadii u dhexaysay 1884-kii ilaa 1886-kii ayuu dhacay heshiisyadii ingiriiska iyo odayaashii beelaha Somaliland.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@hotmail.com
Tixraacyo:
Taariikhda xeebaha soomaalida………….. Prof. Yuusuf Baane
The Arab and Somalis……………………….. Xuseen A. Khayre
Hadimadii Gumaysiga………………………..C/Qaadir Aroma