Sanadka 2017-ka bisha koowaad ayaa astaysan in mashruucan daaha laga furo oo Hargeysi Biyo Wanaagsan Hesho+Sawiro

0
347

Sanadka 2017-ka bisha koowaad ayaa astaysan in mashruucan daaha laga furo oo Hargeysi Biyo Wanaagsan Hesho.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Xukuumaddu ma aqlabayso in yagleelo iyo beero cusub laga sameeyo Geed-deeble.” Wasiirka Madaxtooyada

…………………………………………………………………………………………………………………

 

Hargeysa()Kormeerkan masuuliyiinta badan ee Dawladda ahi wuxuu salka ku hayaa laba arrimood midi waxa weeye inaanu u kuur-galno sida ay u socoto hawsha mashruuca biyo balaadhinta Caasimadu, beebka dhigitaankiisa oo halkan ka socda 23 KM oo Geedeeble ilaa Hargeysa ah, oo sida hada warbixinta nalagu siiyey ilaa 15 KM ay gabagabo ku dhawdahay, oo 14.5 KM la sameeyey waxa hadhsana ay tahay 9 KM oo wax la’ oo sadex bilood lagu dhamaynayo, shaqadu intaa kaliya kuma eka beebku waa shaqo weyn waana mid qiimo leh oo ilaa 20 Inch- ah, oo sadex meelood ka weyn kii hore. Beebkani waxa uu noqonayaa mid casri ah oo ka duwan kii hore, biyaha uu keenayo xawligoodu ay sareeyaan, waxa lagu xidhanayaa Internet oo meel walba biyaha gaadhaya waxa lagala soconaya Xafiiska guud ee maamulka wakaalada Biyaha, oo Tignoolajiyad casri ah lagu sameeyey. Sidoo kale waxa la qodayaa barkado badan oo magaaladda gudaheeda iyo xaga geed-deeble-ba, oo biyaha lagu kadiyo.

 

Waxa mashruucan ka mida Ceelal badan oo la qodayo, oo iyagana laga qodayo Hora-haadlay iyo Laasdhuure, mashruuca intaas le’eg waxa ku baxaya lacag aad u fara badan oo dhawr iyo Konton milyan oo dollar ah ilaa qaybinta magaalada marka lagu darro, runtii waa wax weyn. Hal-abuurkaas Xukuumadani la timid waxa uu salka ku hayaa inay cabaan oo biyo ku filan ay helaan bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland, oo maanta dadka ku dhaqani ay Milyan iyo sadex boqol oo kun oo qof ay yihiin, waxa weeye dadkaasi inay biyo helaan. Qiyaastii waa in ku dhaw sadex dalool mid bulshadda Somaliland oo caasimada ku nool, arrintaasi waa guul wayn oo ILAHAY inagu guuleeyey, waa guul wayn oo horseed ay u noqon doonto Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, inaad wax abuurtaa waa wax wayn inaad ku guulaysataa waa wax weyn. Waa Guul Umaddani ay leedahay.

 

Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo shirkadaha Mashaariicdan wada, waxa kale oo aan bogaadinayaa Hay’adaha dawladda ee hawshan qaabilsan sida Wakaalada Biyaha iyo maamulkeeda, Wasaaradda Biyaha, Ciidanka Booliska, Wasaaradaha Qorshaynta iyo Deegaanka Hay’adaas oo qayb wayn ka qaatay hawshan.

 

Waa markii sadexaad ee Caasimada Hargeysa Biyo balaadhin lagu sameeyo 1977-kii dawladda Talyaaniga ayaa biyo balaadhin samaysay. 1984-kiina dawladda Shiinaha ayaa mashruucan samaysay, mid walba waxbuu kordhinayey, Mashruucan aanu hada wadnaa waa kii ugu waynaa, bulshada caasimada ku noolo mar walba way sii badanaysay 1984-kii waxa ku noolaa sideetan kun oo qof,( 80.000), waad garan kartaan bulshada wakhtigaas Hargeysa ku noolayd, Iyo ta maanta ku nool iyo faraqa u dhaxeeya. Hadii dhawr iyo sideetankii Sideetan kun ku noolaa maantana milyan iyo sadex boqol oo kun ku nool yahay wax biyo balaadhin ahna aan mudadaas ka dib la samayn, dhibtu waa taas, meeshii caasimad dal ayey noqotay, Xukuumaduna sidaas ayey u aragtaa oo muhiimad wayn ayey siinaysaa in la waraabiyo bulshada Somaliland Sadex qaybood mid ahaan waa muhiim wayn, waxanay ka mid tahay Himilooyinka Xukuumadda Somaliland, waxaan jecelahay in bulshadu ay samirkeeda yaalato oo niyada wanaajiso, oo ay la shaqayso Hay’adda hawshan wada. niyad jabka iyo baasaysiga layska daayo, wanaageeda waala heli doonaa, Sanadka 2017-ka bisha koowaad ayaa astaysan in mashruucan daaha laga furo oo magaaladu ay biyo wanaagsan hesho oo aynu qabowno ILAHAY idankii.waxaan si gaar ah u bogaadinayaa bulshada Deegaanka Geed-deeble arrintaaasi waa sirta mashruucan.

 

Arrinta labaad ee aanu u soconaa waxa weeye oo aan jecelahay inaan warbaahinta ugu faa’iidaysano, Geed-deeble waxa ka jira Seere, dad badan ayaana Beero ku leh waanu soo eegaynaa cabatino ayaa naga soo gaadhay, murano ayaa ka jira, Beero, dagsiimo iyo yagleel cusub ayaa laga sameeyey, Xukuumaddu ma aqlabayso in yagleelo cusub iyo beero cusub laga sameeyo Geed-deeble seerayaasheeda, laba arrimood-ba Meeshaas Xukuumaddu waxay u aragtaa inaan ceelel yaryar laga qodon sababtu tahay biyaha Hargeysa ayaa fogaanaya, in la waraabiyo Bulshada caasimdda ka muhiimsan in qof beer ka samaysto oo ku munaafsacaad sado. sababtaas darteed seerahaasi waa xidhan yahay Beerahaas imika laga sameeyeyna cabatinkii dadku noo soo gudbiyey waanu eegaynaa kuwii samaystayna waxanu amarnay inay ka guuraan, Beer laga samayn karaa ma jirto, kuwii hore xalbaa loo raadinayaa, dadkaa cabatinkooda waa la eegayaa, Umaddu dhulka way swada leedahay, cid gaara oo loo diidnayaa ma jirto, amala la cunsuriyadaynayaa, cid lagu tacadinayaana ma jirto, Xukuumaddu Umadda oo dhan ayey dawladda u tahay, hasa yeeshee wixii maslaxada guud iyo danta guud loo diido, qofku waa inoo dantiisa gaar ugu tagaa, in Magaaladu cabto ayaa ka muhiim san in cid gaar ahi ay Ceelal qodoto, arrimahaaasi waa kuwa aanu maanta waxayagan oo Madax ahi u wado socono.”

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0007 DSC_0012 DSC_0014 DSC_0020 DSC_0030 DSC_0037 DSC_0042 DSC_0043 DSC_0046 DSC_0049 DSC_0052 DSC_0054 DSC_0071 DSC_0075 DSC_0076 DSC_0084 DSC_0088 DSC_0095 DSC_0098 DSC_0099 DSC_0104 DSC_0111

Wa-bilaahi Tawfiiq