Saylici: 64-jir Cabasho Toban Jirsatay Ku Ganay Kursigiisi Madaxweyne Ku-xigeen

0
713

Saylici: 64-jir Cabasho Toban Jirsatay Ku Ganay Kursigiisi Madaxweyne Ku-xigeen

Hargeysa, 28 July 2020 (Warsugan)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa ku baaqay in wax ka bedel lagu sameeyo awoodaha uu dastuurka Somaliland siiyay Madaxweyne ku-xigeenka.Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu xaddidanyahay hawlaha shaqo ee Madaxweyne ku-xigeenku qabto oo aannu hayn meel uu ku gudbiyo wixii tallo iyo fikrad ah ee qaranka u dan ah.

Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu xusayay toban guurrada ka soo wareegtay markii xisbiga Kulmiye uu talladda dalka ku guulaystay sannadkii 2010-kii.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ku dooday in haddii aan arrintaasi wax ka bedel lagu samaynin in ay tahay caqabad ay la kulmi doonaan qof kastoo soo mara Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Saylici oo arrimaha ka hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweyne ku-xigeenka dastuurka ayaan wax beden siinin. Waxaan is leeyahay qaranka Somaliland aqoon yahankiisa, iyo marka hawsha dib loo eego.Madaxweyne ku-xigeenka xilkiisa iyo dastuurkiisa, halkaa Madi-nimo ayaa ku jirtee, cid waliba way soo mari doontaaye, in wax laga saxo ayay u baahan tahay”.Ayuu yidhi Saylicii

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannu jirin meel uu ku gudbiyo fikirkiisa iyo awoodiisa “Sababtoo ah, qofka wax kastoo ku jira, meel uu mariyo ma helayo ninka madaxweyne ku-xigeenka ahi.Wax kastoo ku jira, caqli, garraad, wax kastoo maskaxdiisa ku jira, meel uu mariyo ninka Madaxweyne ku-xigeenka ahi ma helayo”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Saylici wuxuu sheegay in distuurka la bedelo oo awood dhammaystiran la siiyo Madaxweyne ku-xigeenka “Sababtoo ah awoodda Madaxweyne ku-xigeenka waxaa qariyay dastuurka. Markaa waxaan leeyahay halkaa inta madinimadda halaga saaro qaranka jamhuuriyadda Somaliland.Dastuurka wax halagaga noqdo xagga madaxweyne ku-xigeenka, danta qaranka ayay tahay. Anigu waaban ka dhamaystay, oo waan ka sii socdaa. Laakiin, ninkastoo halkan (xafladda) fadhiya qaar baa noqon kara, ilmihiinaa noqon kara.Sidii qarankani laba qof oo is-taageertaa, oo tallo iyo tusaale isku biirisaa ay u iman lahaayeen, oo qaranku u dhismi lahaa, halaga wada fikiro” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here