Shirka lagu wado goordhow in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhinacyada ka qeyb galaya ay isku khilaafsan yihiin arrimo badan.

0
344

Shirka lagu wado goordhow in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhinacyada ka qeyb galaya ay isku khilaafsan yihiin arrimo badan.

Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ah qodobada ugu adag ee lagu wado in ay ka wadahadlaan madaxda Soomaalida.

Qodobkan ayaa horey la siku mari waayay islamarkana sabab u noqday in natiijo la’aan ay ku soo dhamaadaan shirar hore oo la qabtay, kuwaas oo ay ku kala tageen Madaxda Maamulada Iyo Dowladda dhexe.

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeysanaya in maamulkiisa lagu soo wareejiyo gobolka Gedo si halkaasi ay doorasho uga dhacdo.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha Jubaland ku baaqayaa in dowladda federaalka ay Ciidamada ay geysay gobolka Gedo ka soo saarto.

Dhanka dowladda fedraalka ayaa waxa ay ku adkeysanaysaa in ciidamada dowladda ay yihiin ciidamo qaran oo aysan gobolkaasi Gedo ka soo saari doonin.

Gobolka Gedo waxaa dhowr jeer dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Qodobada kale ee muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah arrinta qaabka loo maamulayo iyo cidda maamulaysa doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here