Sidee Loo Samayn karaa Guddi Samaysa Sharci Lagu Qaybsado Khayraadka Iyo Shaqooyinka Yaala Dalka Somaliland.?W/Q:- Xasan Karuur.

0
728

Bulshada reer Somaliland gude iyo dibad-ba mawduuca ugu weyn ee aad arkayso ama aad ka daalacanayso Isgaadhsiinta ummaddaha kala duwan ku kulmaan mawduuca quluubta naftooda damaqda ama calaamad su’aal ku ah ee ay is weydiyaan side loo heli-karaa cadaalad iyo sinaan in khayraadka illahay ku manaystay dalkeena loo qabsan lahaa iyo shaqada waddanka gudihiisa laga helo.
Waxaad arkaysaa muuqaalada cadaalad-daro baahsan oo ku saabsan si’naan la’aanta dhamaan ha’yaddaha dawladda, kuwa madaxa-bannaan iyo khayraadka dalka qaabka loo wada leeyahay waa mid cadaalada ka fog. Hadaynu eegno shaqada Dawladda oo u kala baxda wasaarado, ciidamo garsoor, dawlado hoose, iyo hay addaha kale ee madaxa-bannaan dhamaan tood waxa lamoodaa inay beelo gaar ah u af-duuban yihiin oo dhaxal loo siyay. Waxaad ku arkaysaa Wasaarad ay ka shaqeeyaan kun qof (1000), waxa lagayaabaa inay sagaal boqol (900), isku beel ka soo jeedaan, halka boqolka ( 100), soo hadhayna ay ka wada dhaxayso dhamaan beelaha kale ee wadanka degan ,qaar-na qof-ba kama joogo.
Waxa kale oo jira ha’yaddo Ajanabi ah oo ka hawl-gala gudaha dalka iyo shirkadaha gaarka looleeyahay ee ugu waa weyn, iyaguna waa la mid oo dhinac ayey kawada raran yihiin. Haddaba akhristayaal Su’aasha mawduuceena ee aynu is weydiinaynaa ama loo baahan yahay in laga waddankan yar ee ay ka jirto cadaalad darada iyo dulmiga intaas leeg, sidee loogu wadda noolaan doonaa? Ama qaabkee nabad-gelyo iyo horumar balaadhan u gaadhi karaan ummadda illahay ku abuuray dalka Somaliland.?
Hase yeeshee arragtidayda waxaan ku talin lahaa in la sameeyo Guddi laga wada muuqdo ama loo dhan yahay oo ka kooban dhamaan shacabka reer Somaliland ee dalkan ku wada nool oo la yidhaahdo soo sameeya sharci lagu qaybsado khayraadka iyo shaqada dalka taala, waliba ay iyaduna qayb ka tahay xaquuqda shaqo ee ajahanabiga dalka jooga ama ha’yadduhu dibaddaha ka soo qaatan, si look ala saaro xaquuqaha dastuurka dalka siiyey muwaadiniinta iyo kuwa kale, taasina waxay abuuraysaa si loo helo cadaalad iyo sinaan, lagana gudbo cadaalda darada iyo xaqdarada ku faaftay dalka, waana masiibooyin iyo xanuun dawayntiisa loo maaro waayo ayey noqon doontaa, haddii wax laga qaban maanta.
Sidoo kale, waxaan u soo jeedinayaa arrintan waa inay taageeraan, kana shaqeeyaan ha’yaddaha sharci dajinta ee Somaliland, saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira iyo dawladduba , isla markaana waxa, aniga ila haboon imika in la tirakoobo dadka kashaqeeeya dawlada iyo hay adahaa madaxa banaan ee aan kor ku soo shegnay iyo sidaay kala yihiin, si loo ogaado Albaabada laxidhay ee shaqada iyo qandaraasyada ka soo baxa ee beelaha gaarka ahi iska leeyihiin. Waa in la ogaado arintan khatarta ah ee dulmiga iyo cadaalad darada kudhisan meesha laga soo sameyo iyo cidda gaws danbeedka ugu jirta ee ka danbaysa, haddii kale dalkan yare e aan haysan ictiraaf caalamiya waxa kale ayaa ka soo dhaga-weyn ee allow sahal abuura.
Xasan Karuur.

Sidee Loo Samayn karaa Guddi Samaysa Sharci Lagu Qaybsado Khayraadka Iyo Shaqooyinka Yaala Dalka Somaliland.?W/Q:- Xasan Karuur.
Hargeysa, (MMKastan.com)-Bulshada reer Somaliland gude iyo dibad-ba mawduuca ugu weyn ee aad arkayso ama aad ka daalacanayso Isgaadhsiinta ummaddaha kala duwan ku kulmaan mawduuca quluubta naftooda damaqda ama calaamad su’aal ku ah ee ay is weydiyaan side loo heli-karaa cadaalad iyo sinaan in khayraadka illahay ku manaystay dalkeena loo qabsan lahaa iyo shaqada waddanka gudihiisa laga helo.