Taariikhda Tirsiga sanadka milaadiga (Gregorian), W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis
Taariikhda miilaadiga ama Gregorian-ka loo yaqaana ee aan hada galnay sanadkiisi 2016aad waa tirsiga taariikheed ee dunida loogu isticmaal badan yahay waxaana dunida carabta iyo islaamkaba looga yaqaana taariikhda miilaadiga madama oo ay ku arooorto ama ku tacaluqdo oo laga soo tiriyo xilligi uu dhashay nabi ciise (CS)
Waxa sidoo kale loogu yeedha tirsiga Gregorian-ka (Gregorian calendar) ooloogu magac daray pope-kii ama baadirigii la odhan jiray Gregory-gii 13aad (Pope Gregory XIII) oo ugu sareeyay kaniisadi Rome qarnigii 16aad baadarigaasi oo ahaa ninkii suragaliyay in wax ka badal lagu sameeyo tirsigii hore ee la odhan jiray (Julian calendar)
Tirsiga taariikhada miilaadigu waa mid ku salaysan tirsiga qoraxda waxana uu ka kooban yahay (365.2425) maalmood sanadlaha caadiga ah,halka celcelis ahaana sanadka (leap year) la idhaa oo is bad-badalana uu ka kooban yahay 366 malmood,waxaana sanadka miilaadiga ahi uu ka koban yahay 12 bilood
Marxaladihi kala duwana ee u soo maray sanadka miiladigu
A) Tirsi romanigii qadimka ahaa(Roman Calendar)
Boqortooyadii Roman-ku waxay bilawgii hore adeegsan jirtay tirsi sanadle ka kooban 10 bilood waxana markii danbe ay adeegsan jireen tirsi sanadle isku dhaf ahaan ku salaysnaa qorax-dayaxeed ka kooban 355 iyo 12 bilood,maalmaha bishuna waxay ka koobnayeen 29 iyo 30 maalmood, waxaana wakhtigaasi u dajisnaa boqortoyadIi Roman-ka in sanadka xiga sanadka lagu jiro lagu daro 22 ama 23 malmood si (leap year-ku) u noqdo 377 ama 378 maalmood celcelis ahaan
Waxa fikradan wakhtigaas iska lahaa oo hirgaliyay imbaradoorkii/boqorkii (Noma) la odhan jiray ee reer Rome,waxa se tirsigaas boqor noma hirgaliyay wax ka badal ku sameeyay baadariyadii iyo hogaamiyayaashi diinta ee xilliigii danbe, iyagoo ku jaangooyay maalmaha bisha 31 maalmood iyagoo kasoo tiriyay wakhtigii la aasaasay Rome oo ahayd caasimadii imbaradoriyada/boqortooyada sanadkii 753C.H
B) Tirisigii Julian-ka
Wakhtigii ay boqortooyadii Roman-ku ay guumaysteen dalka Masar waxay Roman-kii si wayn uga faaidaysteen dadkii aqoonta lahaa ee reer masar ee sida wayn wax uga yaqaanay cilmiga xiddigiska waxaana Imbiradoorkii /boqorkii la odhan jiray (Julius Caesar) isaga oo kaashanaya caalim sare oo cilmiga xiddigiska yaqaana oo reer masar ahaa kuna noola maagalada Alexandria oo la odhan jiray (susegnio) waxa uu is badal ku sameeyay tirsigii ay hore u isticmaali jireen, waxaana tirsigiisa cusub ee sanadlaha ah uu ka dhigay 365 maalmood halka sanadka (leap year-ka) la idhaana ee is badalayana uu ka dhigay 366 maalmood, waxaana uu qorsheeyay in 4tii sanaba uu mar is badalo halka maalmahana uu ku saleeyay 30 iyo 31 maalmood marka laga reebo bisha February oo sanadka caadiga ah noqonaysa 29 sanadka (leap year-kana) isku badalaysa 30 maalmood
Waxa sidoo kale Caesar (Qaysar) uu bilaha qaar u bixiyay magaciisa julius caesar bisha 7aad ee( July ) halka bisha siddedaad uu ugu magac daray wiilkiisi ka danbeeyay xukunka ee la odhan jiray augusstus Caesar oo uu ka dhigay bisha 8aad (august)
c) Tirsiga Gregorian-ka ama miilaadiga ee xilligan
tirsiyadii hore ee julianka iyo romanku waxay ku salaysnaayeen oo laga soo tirinayay xilligi la aasaasay caasimadii imbaradooriyada/boqortooyadii Roman-ka ee Rome oo ahayd sanadkii 753kii, laakiin markii lasoo gaadhay qarnigii 6aad baadarigi la odhan jiray Dionysius Aksijunos ayaa wuxu soo bandhigay in taariikhada miilaadiga lagu saleeyo xilligi uu dhashay nabi ciise sanadkaas oo ku beegnayd sanadkii 532kii
Macnaha iyo asalkii hore ee bilaha sanadka miladiga
1. january: waxa asaal ahaan kasoo jeeda magaca ’’ janus’’ oo macne ahaan ah ilaahyadii ay caabudi jireen romankii hore
2. February: waxa uu asal ahaan erayga ‘’febra’’ oo macne ahaan ku noqonaya latinka is nadiifin waxana xilligan oo kale roman-kii wakhtiyadii hore ay qabsan jireen xaflado baladhan oo ay isku imadan si ay u nadiifiyaan deeganka ay dagan yihin iyo nafahoodaba
3. March: waxa uu kamid ahaa ilaahyadii ay caabudi jireen roman-ku waxana ay u yaqaanen ilahi dagaalka xilligan oo kalana waxay gali jireen dagaalada
4. April: waxay asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’avril’’ oo macnihiisu yahay Gu’ga ama xilliga barwaaqada xilligan oo kale waxa uu ku beegna xilliga barwaaqada ee roobabku curtaan
5. May: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda ereyga’’Maya’’ oo ah ilaahyadi ay caabudi jireen,waxaana xilligan oo kale khubaradoodi xiddigisku ay cirka ka saadaalin jireen khuraafad ah inay arkayaan ilaha ay caabudaan
6.june: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”jonious’’ oo macnihiisu yahay latin ahaan dhalinyarnimo, waxaana xilligan oo kale ay qabsan jireen xaflado waawayn oo ay dhalinyarta ugu talo galaan
7. Julay: waxa loogu magac daray imbaradoorkii/boqorkii reer roman-ka ee la odhan jiray “julius caesar”
8. Augst: waxa loogu magaca daray imbaradoorkii/boqorkii labaad ee reer roman-ka oo ahaa wiilkii uu dhalay Julius ee la odhan jiray “augustus’’
9: Sebtember: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “septa’’oo looga jeedo macne ahaan number 7 (magacyada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-ki hore)
10: Octobar: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “octa’’ oo looga jeedo macno ahaan number 8 (magacayada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
11: November: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’nova’’ oo macne ahaan noqonaya number 9 (magacayada numaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
11: December: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”deca’’oo macne ahaan u dhigma number 10 (magacyada numbaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
Gabagabo
tirsiga sanadlaha ah ee miilaadiga ee taariikhdiisa aan kor kusoo xusnay waxa si wayn looga isticmaala dunida oo dhan waxaana kamida meelaha hada sida xooga ah looga isticmaalo wadamada islaamka iyo carabta marka laga reebo tiro yar oo kooban oo isticmaasha tirsiga islaamiga ah ee Hijri-ga loo yaqaan
wadamada carabta badankoodu waxay isticmaalan tirsigan sanadka miilaadiga ah waxa se qaarkood ay badaleen magacyada uu ka kooban yahay sanadku ee iyagana aan kor kusoo sheegnay oo ay ku badasheen magacyo bileed iyagu ay leeyihiin oo macne ahaana ka duwan kuwa aan kor kusoo xusay
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis