Talaabada Tan Xigta, iyo Talada UCID. M. Haaruun.

0
437

Talaabada Tan Xigta, iyo Talada UCID.

M. Haaruun.

“Tacabkii ba waa sida fircoon, tab iyo diinaade.
Ha targaafo sida toojo geel, tuurin baw qorane.” J C Haabiil.

Hambalyo kooxda garyaqaanada ah ee UCID. Iyaka oo ka duulaaya tilmaamihii ka soo baxay shir-hawleed kii Jimcihii aanu u wada dhamayn, waxa ay diyaariyeen dood micno iyo miisaan ba leh. Shir wayne aan loo kala maqnayn, oo madaxda u saraysa ee xisbiga, Gudomiye Cali-Gurey iyo Xassan-Sabca, Xogayaha Golaha Dhexe ee xisbiga, ganacsato iyo qurbe-joog ay ka qayb galeen baa uu ahaa. Falanqayn iyo dood fiican ka dib, waxa si wada jir ah loo diyaariyay dood jawaab celin u noqon doonta racfaankii tamarta darnaa, ee gudoomiyaha xisbigiisa ka falagoobay uu la tegay Maxkamadda Sarre laba usbuuc ka hor. Walee tan baanu ka soo waaqsan.

Anigu waxa aan shirkaas ka sheegay in aan looba baahnayn xataa in racfaan la qaado ba, maxaa yeelay maxkamadi na marnaba ma odhan doonto, Faysaloow shir-weyne xisbi keligaa iska qabso, dadka kale na, martiqaad u dir hadii adigu aad doonto oo keliya. Taasi ma dhacayso. Wa xaasha midhkaasi, waa se waxa uu Faysal u fadhiyo. Aduunoow xalkaa ba. Xalkii ku dhisnaa xeer-jajab ka, ee gudigii hore ay gaadheen, oo dhab ahaan cadaalad darro ku ahaa garabka aqlabiyadda xisbiga ah, una danaynaayay garabka kale oo nin keliya ka kooban, waxa diiday ninkii loo danaynaayay, qodob keliya ayaa uuna ku diiday.

Qodobkaasi Faysal ku kalifay in uu racfaan qaatto waa midka odhanaaya, labadiina dhinac ee is hayaa, waa in aad si wada jir ah u qabsataan shir-weyne xisbi, kaas oo wixii qabyo ah lagu qabyo tiro. Faysal shirka ma diidin, arimaha lagu falanqayn doono na ma diidin, waxa uu se diiday doodda ah – shirka si wada jir ah, oo xalaal ah u wada qabta, qabanqaabadiisa na ka wada shaqeeya! Waa qodobkaas oo keliya midka uu liqi waayay. Diidmadaasi dabcan ma iska imanin ee asbaabteeda ayaa ay leedahay, sabab keliya ayaana ugu muhiimsan. Marka la eego ujeedada guracan ee uu Gudoomiyuhu leeyahay, ee odhanaysa mar saddexaad aniga ayaa musharax xisbiga u noqonaaya, tas oo ah sababta ay waxa dhacay oo dhami u dhacayaan, shir si wada jir ah loo soo qaban qaabiyay, oo caafimaad qabaa marnaba muraadkiisa ma fulin karo. Sidaas iyo sababtaas darted baa uuna u diidanyahay shir UCID oo isu dhan iyo gudi wada jir ahi soo qabanqaabiso. Shir madow, oo keligii uu soo qabto, oo ergooyinkiisa meel madow lagu soo qor-qoro, oo meel madow na lagu qabto, uun baa fulin kara waxa uu Faysal doonaayo, waana waxa uu maxkamadda ka raadinaayo.

Su’aasha aadka muhiimka u ah, aanu se Faysal is waydiinin, ama aanu doonaynin in uu is waydiiyo waxa ay tahay, maxkamaddina, hadda waa midnaba, iyada oo sidaas u og xaalka xisbiga , ma kuu amraysaa in aad keligaa shir noocaas ah, oo maqaar-saar ah iska qabsatid? Hadii se aad qabatoba, waxa ka soo baxaa meel mar ma kuu noqon doonaa? Su’aalaha noocaas ah waxa is waydiin lahaa xataa caruurta yaryar, laakiin siyaasi-is-mood, boqol jeer fashilmay, oo guul-darro side ah, oo dhegahiisa iyo afkiisu aanay is maqlin, oo reerka Afrikaan la dhaho ka dhashay, Soomaali na ka sii ah, caqligiisu ma keeni karo. Runtu taas weeyaan. Al-muhim, sidii aan marar hore ba sheegay, ninka ay la ahaatay in uu awr mariyo meel aan irbadi mari kerin, sidaasna ku lumiyay asxaabtiisii garabkiisa ahayd oo dhan, iyo hadiiba uu sumcad wax uun ka lahaa, dadkii dagaalka noocaas ah geliyay na ay hal-hal ugaga baxeen, maxaa ii furan ee aan ahayn in aan u tacsiyeeyo. Weligaaba doonida Kulmiye fuul. Weligaaba madaxtooyada habeenkii kadinka dambe ka gal. Weligaaba caruur yaryar oo aan cidna matalin kula shir Bariga Burco. Weligaaba hebello aan garanaayo cagaha hayso. Weligaaba meerayso oo ha lagaa maadsado. Walee UCID baanad kol dambe iska sharixin.

•Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?
•Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?
•Waabeeyo shiil baa jiree, wadhidan yaa gaystay?
•Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widhwidh ah rooray?
•Waraabaha qarsoon yaa noqday oon, ruux wajiga moodnay? (Is Waydiin, Dhoodaan, 1973)