Tallaalka Labaad Ee Cudurka COVID-19 Oo Maanta La Keenayo Muqdisho

0
345

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah Dowladda Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.

 

Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxeexay heshiis tallaal lagaga hortego Cudurka COVID-19 lagu geynayo dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa  hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka adduunka Aafeeyey ee COVID-19  la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho la keeni doono tallaalka Sinopharm oo ay soo saartay dowladda Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here