Tallo Caafimaad: Kalyaha Oo Shaqadooda Gaba

0
1287

Tallo Caafimaad: Kalyaha Oo Shaqadooda Gaba
Hargeysa(WSN)Howlgabka kelidu waa marka ay kelidu shaqeyn weyso waxayna leedahay laba qeyb Howlgab ba’an (ARF) iyo howlgab dabadheeraad ah (CRF)
ARF waa shaqo yaraan lama filaan ah oo ku timaada kelida inta badanna waa laga gaari karaa oo waa la daaweyn karaa hadii dhakhsi la baaro oo la daaweeyo
Waxa sababo 1 Cudur ka yimaada kelyaha xubno ka horeeya sida inuu dhiiga xadigiisa uu yaraado sida inuu ku yaraado ookale matag biyo yar cabid qandho iyo howlgabka wadnaha.. 2 Cudur ku dhaca kilyaha qeybahooda kaladuwan iyo waxyeeleyn sun 3 cudur ku dhaca xubnaha ka danbeeya kelyaha sida kaadi mareenka oo xirma dhagxaanta kelida
Howlgabka ba’ani wuxuu leeyahay saddex heerar 1 kaadi yaraan 2 kaadi badnaan 3 reysasho 70% dadka qaba
Howlgabka dabadheeraadka ah tartiib tartiib ayuu u kordhaa loomana daaweyn karo si toos ah waxaana sababo sida cuduro ku dhaca qeybaha kelida dhiigkar Sokorow iyo Howlgabka ba’an ee kelida aynu soo sheegney
Calaamadihiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah dhiiga oo ku bato walax sun ah loo yaqaano Urea taasi oo keeneysa dhiig kar matag iyo lalabo caatonimo iyo dhiigyari
Heerarkiisa waa 5 iyadoo loo eegaayo sida ay ugu badantahay maadadaasi Urea iyadoo midba mida kasii danbeyso ay kasii shaqo yaraaneyso kelida
Baaritaanada
1-baaritaanada shaqada wax sifeyntabaarida inta dhiiga ku jirta ee waxyaabahan kala ah Urea iyo Creatinine sidoo kale creatinineka waxaa laga baari karaa kaadida iyo baarida proteinka ku jira kaadida
2- baaritaanada shaqada tubooyinka kelida baarida kaadida inay caadi tahay iyo in waxyaabo badan ay ku jiraan (Osmolality) inay ku jirto maadada Glucose iyo inay ku jirto Aminoacid mid walibana waxay tilmaameysaa cudur gaar ah
*Daaweyntu: 1 in dawooyin laguu qoro 2 kelida in la dhaqo (Dialysis) hadii loo baahdo

Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland