TEHRAN: Madaxweynihii hore ee Iran oo geeriyooday iyo dowladda dalkaasi oo ku dhawaaqday saddex casho oo baroordiiq ah

0
589

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii ugu saameynta badnaa dalkaasi, Cali Akbar Haashimi Rafsanjani, kaasi oo ku dhintay da’da 82.

Hogaamiyahan muxaafidka ah Ayatollah, ayaa qunyar socodkaasi ku tilmaamay saaxiib soo halgamay, walow uu jiray farqi u dhaxeeyay.

Rafsanjani ayaa si weyn u taageersanaa madaxweynaha Iiraan ee haatan, Xasan Ruuxaani, kaasi oo ku tilmaamayba inuu yahay nin ku weyn kacaanka Islaamiga ah.

Saddex maalmood oo baroor diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalkaasi.