Waabeeye Iyo Samaale Oo Kaftan Isu-Weeraray, Xilli Uu Jidkii Rejaddu Kala Leexiyey

0
848

Waabeeye Iyo Samaale Oo Kaftan Isu-Weeraray, Xilli Uu Jidkii Rejaddu Kala Leexiyey

Hargeysa, 28 July 2020 (Warsugan)-Munaasibad uu shalay qabsaday xisbiga talada haya ee Kulmiye oo lagu soo casuumay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland horena uga tirsana Kulmiye, balse wakhti xaadirkan ka mid ah xisbiga mucaaridka ee Waddani iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hadalo kaftan ah isku waydaarsaday madasha kulankaasi.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo wasiirka maaliyada ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo, isla markaana ka mid ah saraakiisha xisbiga Kulmiye oo ugu horayn madasha hadal kooban oo kaftan u jeediyay xildhibaanka ayaa waxa uu yidhi “Marti sharafta kale ee qiimaha leh ee uu Waabeeye ugu horeeyo, Waabeeye waa Kulmiye mise Kulmiye ayuu ahaa?. Kaftanka Axmed baa ku horeeyay, waa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye ayuu ahaa, haddu iska samri lahaa maanta isaga uun baa ahaan lahaa, Axmed raali ahaw”

Intaasi ka dib xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo hadalka lagu soo dhoweeyay ayaa ka jawaabay hadalka Cabdicasiis Samaale, waxaanu yidhi “La iima sheegin sababta, waxaan u qaatay-ba in madaxweyne ku xigeenku gabadh bixinayo markii hore.
Laakiin markaan arkay in munaasibadu ku saabsan tahay muddada ay toban jirsatay xukuumada, Kulmiye taana kamaan nixin oo waa xisbi aan ka tirsanaan jiray, golaha wakiiladana ku fadhiyo, asxaabtiisiina aanu wali isku sii xidhanahay.

Siddeedana xisbiyadu awooda lagu gaadhayo madaxtinimada mooyee cadaawad badani iyo wax badan oo inoo dhexeeya ma jirto.
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkana si shakhsiya ayaanu saaxiib u nahay, laakiin waanu yara kala tagnay barri dhoweyd, Cabdicasiis Samaale baa yidhi hadu joogi lahaa, horta Cabdicasiis iyo Xinif way na sii raaceen oo markii hore ina mariya ayay yidhaahdeen, meel dhexe uun bay nagaga soo noqdeen. Marka haddii tiinii ilaahay idiin qarxiyay inaa nagu sii digataan may ahayn”

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here