Hargeysa(WSN)WAR-SAXAAFADEED: 11/06/2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr. 20/ 2001;
Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;
Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;
Markuu Ku Qancay: In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo saaray
Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.