Xukuumadda Somaliland Oo 300 Neef Oo Geel Ah Ku Xanibtay Magaalo Xuduudeedka Lowya-caddo
Muxuu Ka Yidhi Badhasaabka gobolka Selel Soo Celinta Xoolaha
Kaydk/Sawirada.
Lowyacaddo, Somaliland 23 Oktoober, 2019 (Warsugan/WajaaleNews) – Inka badan 300 (sadex boqol) neef oo geela ah oo laga soo celiyay dalka Jabuuti, ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyay ku xannibnaa xaadka labadda waddan ee loo yaqaan lama deegaanka, kadib markii xukuumadda Somaliland amartay in xoolahaas u gudbi karin Somaliland.
Wararka aannu ka helayno ayaa sheegaya in Isniintii toddobaadkan ganacsato Somaliland ahi ay damceen in xoolahan dalka ku soo celiyaan, kadib markii xukuumadda Sucuudi Carabiya xoolahan ku soo celiyeen dalka Jabuuti iyagoo sheegay in cudurka hargabka ama xumaada xoolaha ku dhaca ee luuqada qalada lagu yaqaan (rift valley fever) laga helay. Hase-yeeshee, wasaaradaha Xannaanadda Xoolaha iyo Arrimaha Gudaha ayaa amar ka soo baxay ku xanibay xoolahaas, islamarkanna murankoodu labaddii maalmood ee dambeyeey ka tagna magaalo Xuduudeedka Lowya-caddo.
Dhinaca kale, shabakada wararka ee Wajaale news oo waraysi ka qaaday Badhasaabka gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur ayaa uu xaqijiyey jiritaanka warkan isagoo sheegay amarka xannibaadda xoolahanni uu ka soo baxay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee jamhuriyadda Somaliland, islamarkana lala xidhiidho wasaaradda.
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Daynta Farmaajo, Digniinna U Dirtay Beesha Caalamka
“Haddii Daynta Laga Dhaafo Farmaajo, Wuxuu Khal-khal Siyaasadeed Galin Doonno Gobolka….”Wasiir Maxamed Muuse Diiriye
Hargeysa, 23 October 2019 (Warsugan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa digniin culus u diray beesha Caalamka.Islamarkaanna ugu baaqay in beesha caalamku wax hub ah u siidaynin Farmaajo.
Wasiirku waxa kala oo sheegay in haddii Farmaajo dhaqaalaha daynta laga dhaafo, oo dhaqaale kale loo siidaayo khal-khal siyaasadeed galo gobolka oo dhan.
Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaynnu ogsoonnahay in beryahanbaa dawladda Farmaajo isu-dayso in hub la siiyo oo waliba wayddiisatay dalka Eretria iyo Turkiga, horrenna ay u soo siiyeen dalal aan immika magacyaddooda halkan ka sheegayn, laakiin is-ogsoon.”Ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye, waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Ha ogsoonaadan dalalka hawsha ku jira in hubka ay bixinayaan uu mamnuuc ka yahay Soomaaliya, ha ogsoonaaddan hubka haddii loo soo daayo in Somaliland iyo geeska afrika khatar ku yahay oo uu khal-khal galin doonno iyo dhibaato aan loo joogin, taa waxaan leeyahay adduun waynnu ha ka digtoonaaddo oo haddii Farmaajo loo soo daayo waa in Somaliland loo siidaayaa.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaaftinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, wuxuu sheegay in haddii Farmaajo daynta laga daayo oo dhaqaale loo siidaayo inuu gobolka khal-khal siyaasaddeed ka abuuri doonno“Waxa kale oo isu-dayayaa oo uu adduunyadda la meeraysanayay ha inagala saamaxo dayntii adeerkii galay oo aynnu innagunna xilligaa ka mid ahayn. Waxaan leeyahay haddii daynta laga saamaxo. Haddii laga saamaxo adduunka wuxuu doonayaa innuu dhaqaale ku wayddiisto oo uu dayn ku qaato inuu khal-khal siyaasadeed galo gobolka oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhaliilihii Ugu Adkaa Ku Ganay Xukuumadda Madaxweyne Biixi
“Muuse Waxaan U Sheegaya In Dulqaadka Shacbigu Uu Xuduud Leeyahay Dalkana Aanu Ka Yeeli Karin Sida Uu Isagu Doono…..”
“Labaddii Sanno Ee Madaxweynuhu Xilka Hayay Waxaannu Kula Dhaqmaynay Muslinow Run Sheeg, Muslinowna Uga Qaado……” Guddoomiye Cirro
Hargeysa, 23 October 2019 (Warsugan)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eeddeeyey in mar walba abuuro muran siyaasadeed,isla markaana jabinayo sharcigii dalka u yaallay.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in labaddii sannadood ee Madaxweyne Biixi xilka hayey uu qoysas danyar ah dhulkoodii xoog kaga qaaday, isla markaana hanti badan ka samaystay awoodda Dawladnimadda.
Guddoomiye Cirro wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa“Muddadii labada sannadood ahayd ee Muuse hayay xilka waxaannu kula dhaqmaynay Muslinow run sheeg muslinowna uga qaado, hase-yeeshee waxa annaga iyo shacbiga-ba u caddaatay in aannu ahayn Muuse nin dhawraya qawlkiisa, xurmaynaya heshiisyada uu galo, ixtiraamaya xeerarka Qaranka beentana u yaqaanna xariifnimo iyo guul siyaasadeed,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale, Guddoomiye Cirro wuxuu Madaxweyne Biixi Tusay Tusaale nool oo ah in aannu farra-gelin Xubinihii Guurtidda, waxaannu yidhi “Waxa tusaale idiinku filan in Muuse warbaahinta isla soo taagay in aannu faro-gelin xubnaha Golaha Guurtida iyadoo aad dhammaantiin ka war haysaan oo telefishannada qaar barmaamijyo ka sameeyeen in labadii xubnood ee u horeeyay mid ka mid ah uu Muuse ku celiyay Golaha Guurtida, xubintaasi Hargeysa ayuu jooga Foosi ayaana la yidhaahda saxaafadduna way waraysan kartaa. Madaxweynuhu wuxuu u badheedhay in uu shacbigiisa been cad u sheego,”.Sidaa ayuu yidhi Cirro.
Dhinaca kale, Guddoomiye Cirro wuxuu sheegay in qoysas danyar ah uu xoog kaga qaaday Madaxweynuhu dhulkoodii taas oo shaqadii loo igmaday kaga mashquulay “Iyadoo ay dayacan yihiin xilalkii loo igmaday Muuse oo ay ka mid yihiin; Sugidda amniga, Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyadda bulshada ayaa waxa soo baxay maalin walba in Muuse ku mashquulsan yahay ganacsi gaar ah iyo dhul boob dadka shacbiga ah ay isu haystaan oo ay ugu dambeysay dhacdadii warbaahinta ka baxaysay ee aynnu maqlaynay baroorta hooyooyinka iyo umulaha iyo cabashada joogtada ah ee ay dadku muujinayaan,”.
Guntii iyo Gunaanadkii wuxuu Guddoomiye Cirro ballan aaday in ka xisbi ahaan hormood u yihiin Qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Deegaanka“Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu hormuud ka noqdo qabsoomida doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka marka la saxo gefefka badheedhka ah iyo ku tumashada heshiiska xisbiyada Qaranka waxaanan ugu baaqayna Golaha Wakiillada in ay u kacaan masuuliyadda ka saaran toosinta gefefka sharci iyo maamul ee ka yimaadda xukumadda ama fulinta. Muuse waxaan u sheegaya in dulqaadka shacbigu uu xuduud leeyahay dalkana aanu ka yeeli Karin sida uu isagu doono”
Hargeysa: Ka Ganacsiga Kabo Magaca Alle Lagu Xardhay Iyo Moognaanta Xukuumadda
“Ganacsataddu Shillinka Dalqaday Ka Arkaan…” Cabdillaahi Xasan
Hargeysa, 23 October (Warsugan)-Kabo nooca Buudhka raga oo magaca Allaah (SWT) hoosta iyo gudaha-ba kaga qoran yahay ayaa la sheegay in suuqa ganacsiga lagu kala iibsanayo, kuwaas oo shixnad ahaan u soo galay suuqyada ganacsiga ee Kabaha iyo dharka ee caasimada Somaliland Hargeysa.
Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa isla markaana meherada Nootahayo ku haysta xaafada shacabka ayaa wargeyska warsugan u xaqiijiyay inuu kabo Buudha bil ka hor ka soo iibsaday suuqa, balse aanu xilligaasi dareemin in magaca Allaah hoosta iyo gudaha kaga xardhan yahay.
waxa uu sheegay in maalintii doraad nin ay saaxiib yihiin u sheegay in nooca Kabaha uu xidhan yahay magaca Allaah (SWT) hoosta kaga qoran yihiiy, ayaa tilmaamay inuu degdeg u bixiyay meel dhigay.
“Waxaan suuqa ganacsiga Kabaha iyo dharka ka iibsaday Kabo buudh ah, ka dib waan gashaday show waxa hoosta iyo gudaha sarta sare ku qoran magaca Allaah (SWT) laakiin maan ogaan wakhtiga aan soo iibsaday. maalintii doraad ayaa nin ii sheegay oo igu yidhi Kabaha aad xidhan tahay waxa ku qoran magaca Allaahi, waan eegay waa run ka dib deg-deg ayaan u bixiyay oo aan meel iska dhigay” sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac Cabdi.
waxa isaguna ka hadlay arrinkaasi Cabdillaahi Xasan oo u dhuun daloola ganacsatada wakhtigan, waxaanu yidhi “Ganacsatada xilligan waxay u qaybsan yihiin, qaar shillinka ayay dalqada ka arkaan oo lacag uun bay qiimeeyaan oo meesha, alaabta faa’iido ma ku jirta ayay ku xisaabtamaan, qaarna aqoon dari baa u gaysa oo way iska soo iibsadaan uun Kabo iyo agab kale oo magacyada ilaahay iyo Nebi Muxamed ku qoran yihiin.
ciidamada amaanka waxaan ugu baaqaya inay dabagal sameeyaan oo sharciga hor keenaan ganacsatada waxyaabahaasi xaaraanta ah dalka soo galinaya. ta kale agabkani sowka soo maraya daked ama madaar maxaa loo qaban waayay, taasina waa su’aal meesha ku jirta jawaabtana waxa laga sugaya hay’adaha ku shuqul leh”
maaha markii ugu horaysay ee shixnado Kabo magaca Ilaahay ku xardhan yahay soo galaan suuqayada ganacsiga dharka iyo Kabaha, ayaa tiraba wakhtiyo kala duwan lagu arkay suuqyada caasimada Hargeysa.
Shirkadda Samsung Oo Markii Ugu Horraysay Xarun Cusub Ka Furtay Hargeysa Iyo Weedhihii Laga Jeediyey
Hargeysa, 23 October 2019 (Warsugan)-Shirkadda Telefoonadda ee Kuuriyadda Koonfureed SAMSUNG, ayaa xarunteeddii ugu horraysay ka furtay magaaladda Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka jaray Shirkada Caalamiga ah ee Samsung oo ay dalka keentay Shirakada Dahabshiil Group.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay daah-furka Shirkadaasi islamarkaana lagu soo dhaweynayey ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka isagoo halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan shirkada Samsung oo ka mida Shirkadaha ugu caansan dunida, ka xukuumad ahaana ay door weyn siinayaan maalgashiga iyo horumarinta wax kasta oo dalka iyo dadka dan u ah islamarkaana ay ku dedaalayaan suurta galnimada horumarka noocan oo kale ah.
Ugu horren waxa xafladda ka hadlay Xasan Cabdillaahi Diiriye oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Samsung Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay dedaal dheer u galeen siddii shirkadda loo keenni lahaa Somaliland “Runtii munaasibaddan aannu ku furayno shirkadda, hawsheeddu waxay soo martay marxaladdo iyo duruufo kala duwan iyo dedaalo kala duwan si loo hirgeliyo, waxaanna la odhan karraa waa guul kale oo u soo hoyatay Somaliland oo astaan iyo horumar cad u ah dalkeenna.”Ayuu yidhi Xasan Cabdillaahi Diiriye
Maxamed Siciid Ducaale oo ah Gudoomiyaha Guud ee Shirkadaha Dahab-shiil ayaa sheegay in xarrumo kale oo shirkadda SAMSUNG leedahay laga furayo deegaamadda kale ee Soomaaliddu degto “Waa shirkadda la sheegay ee Samsung la yidhaahdo oo aynnu dhammaanteenbaa horre u siddaynay, immikanna aannu is-nidhi waar haddii dadku baahanyahay oo telefoonno u baahanyahay Telefoonno u soo dhaweeya. Waxaanan ku talo-jirnaa in aannu shirkadda ku balaadhinno deegaanadda Soomaaliddu degto .”Ayuu yidhi Maxamed Siciid
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa Shirkada Dahabshiil Group iyo Mulkiilaheeda Madaxed Siciid Ducaale uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay Bulshada ugu jiraan, shirkadanina ay tahay mid wax weyn ka bedeli doonta horumarka waddanka. “Waxa maanta farxad wayn ii ah inaan ka soo qayb-galo xafladda daah-furka Shirkadda Samsung Somaliland oo aad iyo aad aynnu dhammaanteen ugu faraxsannahay dedaalka adag ay u galeen keennidda shirkadda SAMSUNG , waa waxa aynnu u baahnayn waa wax qiimmo wayn dalka ugu fadhidda.”Ayuu yidhi Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu soo booqday markii xafladdu dhamaatay qaybaha ay ka koobantahay Shirkadda Samsung Somaliland
Wasaaradda Gaadiidka Oo Qalabka Xawaaraha Dhima Ku Xidhay Basaska Shirkadaha
Hargeysa, 23 October 2019 (Warsugan)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey wadday qalab lagu rakibayo baabuurta oo dhimaya xawaaraha uu baabuurku ku socdo.
Qalabka xawaaraha baabuurta lagu dhimayo ayay shalay wasaaradda Horumarinta Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland ku ibbo-furtay shirkadaha isaga kala goosha goboladda dalka ee qaadda rakaabka.
Wasaaraddu waxay gaadiidkoodda ku rakibtay shirkadaha Bari iyo galbeed, Safar Same, Nabad-gale iyo Sahan.
Ugu horren waxa qalabka iyo qaabka loogu rakibayo gaadiidka ka warbixiyey Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Muuse Yuusuf, waxaannu sheegay in qalabka loogu tallo-gelay Gaadiidka Basaska, Baabuurta qaadka qaadda iyo Booyadaha “Waxaad halkan aad ku arkaysaan gaadiidka rakaabka qaadda ee basaska oo lagu xidhayo qalabka xawaaraha yareeya. Waayihii ay soo martay hawshanni bishii August wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadku wuxuu soo saaray wareegto wasiir oo isaga oo adeegsannaya wuxuu ku sheegay in xadidaada xawaaraha gaadiidka lagu xidhi doonno baabuurta rakaabka qaadda ee u kala gooshta goboladda dalka, waa basaska, baabuurta qaadka qaadda iyo booyadaha biyaha.”Sidaa ayuu yidhi Muuse Yuusuf.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xil naf iyo maal ku baxeen xawaaraha gaadiidku ku marro waddooyinka oo dhibaato ku ah qaranka iyo ummadda Somaliland oo maalin walba nool naxdin iyo argagax ka yimaadda dirawaladda Baabuurta.
Diirada Wargeyska: Somaliland Wax Go’ lagu Qaado Ka Weyn!!!
Dalka Somaliland ayaa 1960-kii xornimada ka qaatay gumaystihii Ingiriiska balse 1dii July bilaa shuruud kula midoobay Somalia oo Talyaanigu xornimada siiyay.
shacbiga iyo siyaasiyiinta reer Somaliland oo caadifad Soomaali jacayl madaxmaray ayaa si bilaa shuruuda kula midawday Soomaaliya waxa laga qadiyay mansabyadii ay xaqa u lahayd oo waxba reer koonfureed umay ogolaanin ummadii jibada Soomaaliweyn haystay ee dawladnimada u keenay.
taasi waxay god dheer ku riday riyadii Soomaali jacayl ee reer Somaliland ay doon-doonayeen, kadeed iyo dhib daran ka dib ay cagaha la galeen, isla markaana himaladoodii shaanshaan ka dhacday oo la yasay, laguna odhan jiray kalmado aan qaban sida qaldaan dawladoodii iska keenay.
1969kii ayaa xukuumadii rayidka ahayd ee uu raysalwasaaraha ka ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal taladii ay kala wareegeen milatarigu oo uu horkacay Maxamed Siyaad Barre, waxa la yidhi quba wixii hore waxa dhashay Kacaan.
inkasta oo dadweynuhu soo dhoweeyeen kacaankii xilliga dhashay oo dardar isla markiiba bilaabay ayaa indhaha ummada waxay tuseen waxqabad baahi weyni u haysay shacbiga Soomaaliyeed.
hadaba wax qabadkaasi oo dhawrkii sanadood ee u horeeyay u ku talaabsaday kacaankii, waxa ka danbeeyay sanado farabadan oo dambe oo cagaha lagaga gubtay, ciidamadii xooga dalka la odhan jiray ayaa loo adeegsaday shacbigii masaakiinta ahaa gaar ahaan reer Somaliland oo aqoonyahanka, ganacsatada, saraakiisha iyo dhalinyarada la ugaadhsan jiray.
waxa dilal birma gaydo ah loo gaysan jiray culimaa’u diinka, ganacsatada, aqoonyahanka iyo saraakiisha reer Somaliland, ayaa aakhirkii falalkaasi waxa ka dhashay ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed SNM horseed ka ahayd.
Jabhada SNM oo hubaysnayd ayaa ciidamadii taliskii rajiim Siyaad Barre kala hor yimid gacan dab ah, isla markaana halgan hubaysan oo naf iyo maal-ba leh loo huray xoraynta Somaliland ayaa 1991kii la soo afjaray taladii milatariga.
bishii May 1991kii oo gooni isku taaga Somaliland lagaga dhawaaqay shirweynihii Burco ku qabsoomay, ayaa ka horna beelaha Somaliland shirar dibu heshiisiineed lagu soo afjaray colaadihii dhex yiilay.
ka dib dibu dhiskii qaran ayaa si wadajira loo gudagalay, taas oo aakhirkii keentay in Somaliland ku talaabsato tubta wada tashiga iyo dimuqraadiyada ka dibna la aasaasay xibiyada qaranka oo wakhti xaadirkan ay leedahay madaxweynihii shanaad oo doorasho toosa lagu soo doortay.
hadaba Soomaaliyada aan Xamar gudaheed ka talin ee Kaarayaasha lagu ilaaliyo madaxdooda ayaa xaasidnimada ay u qabaan Somaliland yidhaahda Soomaalia waa muqadas.
dhinaca kale shakhsiyaadka u hanqal taaga Xamar iyo kuwa ka taliya-ba waxaanu leenahay nabada Somaliland ciyaar ciyaar kumay imanin ee waxa lagu beeray dhiigga iyo xinjirta geesiyaashii u shihiiday ee nafta u huray.
Hargeysa: Hooyo Nolol Maalmeedkeedda
Ka Raadsata Ururinta Dhagaxaanta
Hargeysa, 23 October 2019 (Warsugan)-Safiya Muxumed oo ah hooyo waayeel ah oo ku nool buurta naaso-hablood duleedka barri ee magaaladda Hargeysa, ayaa nolol ahaan maalin walba ka raadsata ururinta iyo isu-habaynta dhagaxaanta guryaha lagu dhiso. Islamarkaanna hooyo Safiya Muxumed waxay sheegtay in wiilkeedda oo biilin jiray geeriyood, taas bedelkeenna keentay in carruurtii uu dhalay Marxuunku uga raadiso nolol ururinta dhagaxaanta.
Hooyo Safiya oo arrimaha sharraxaysa waxay tidhi “Labba bilood baan ururinayay dhagaxaantan, xoolihii markii roobkii dooga soo saari jiray yaraaday oo xoolihii gaajoodeen oo raashin la deeqsin waayay, ayuu wiil aan dhalay gaadhi igu soo qaaday oo uu igu yidhi gurigayga fadhi oo halka wax ka cun. Kadibna wiilkaygii ayaa dhinta maalin dhawayd, maalintaas baannu xoole aannu raacno iyo wax aannu qabsanno waynay. Ayay tidhi Hooyo Safiya Muxumed.
Sidoo kale, Hooyo Safiya ayaa sheegtay in dhagaxaantay ururiso laga siisto laba boqol ama boqol iyo konton“Daaraha raga samaysanayaa ayaa qaata oo laba boqol iyo boqol iyo konton Somaliland shillin ah ayaa nallaga siitaa oo wixii nalaga siisto barriis iyo sonkor baan carruurta u siiyaa.” Sidaa ayay tidhi hooyo Safiya Muxumed
Madaxweyne Bangiyadda Ku Amray In Maalgelin Ku Sameeyaan Eyadda
Turkmenistan, 23 October 2019 (Warsugan)-Madaxweynaha Turkmenistan oo lagu magacaabo Gurbanguly Berdimuhamedov ayaa bangiyo dhowr ah ku amray inay maalgeliyaan mashaariicda lagu horumarinayo tirada eyda yaryar ee loo yaqaanno Alabay.
Wakaaladda warbaahinta TDH waxay sheegtay, warqad wareegta oo madaxweynaha ka soo baxday in lagu sheegay in bangiyada lagu amray in bangi kasta uu maalgelinta uu ku yeesho saami gaadhaya 12.5% boqolkiiba.
Eeyga Alabay ayaa ah nooc la carbisto oo laga helo waddamada bartamaha Aasiya ku yaalla oo keli ah, wuxuunna Mr Berdimuhamedov u muuqdaa mid aad u jecel eydaasi.
Horraantii sannadkan xilli uu ku jiray fasaxiisa, wuxuu qoray buug uu kaga warramayo eyga Alabay, siday warbaahinta dalkaasi sheegtay. Sannadkii 2018-kii, wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay sannadkii eyda, isaga oo telefishinka Qaranka ka soo muuqday isaga oo xayawaanaad kala duwan la jooga.
Buuggiisa wuxuu cinwaan uga dhigay “Turkmen alabay”. Ficilkaas madaxweynaha ayaa gudaha dalkaas si weyn looga dhalleeceeyay.
Madaxda sare ee dowladda iyo aqoonyahanno ka qayb galay xafladdii lagu soo bandhigay buugga “Turkmen alabay” oo lagu qabtay caasimadda Turkmen ee Ashgabat, waxay si weyn u soo dhaweeyeen wax qabadka madaxweynaha.
“Buuggan wuxuu ka mid yahay taariikhda ma guurtaanka ee Turkmen oo shacabka lagu la socodsiinayo, kaas oo uu madaxweynaha ku deeqay,” ayey lagu qoryay wargeyska Neytralnyy oo ku hadla afka dowladda.
“Buuggan waa hadiyadda ugu qaalisan oo maalinta xorriyadda dalkaas uu hoggaamiyaha Turkmen ku deeqay, waxaanna rajeeynayaa in dad badan oo buugaagta akhristo oo dalkan ku nool uu soo jiito,” ayuu wargeyska sii raaciyey.
Mashruucan eeyda ee Mr Berdimuhamedov ayaa dad badan la yaab ku noqday, sida ay warbaahinta dalkaas u buunbuuniyeen. Waa dal lagu tiriyo waddamada ugu hooseyo xorriyadda saxaafadda oo weliba ka sii hooseeya dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay hay’adda u qaabilsan xorriyadda saxaafadda adduunka ee RSF.