Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inay Qancisay Habsami U Socodka Diwaangalinta Togdheer iyo Aragtidiisa Hoos U Dhaca Doolarka iyo Sixir Bararka
“ Waxaa Na Soo Galay Dareen Ah Dalku Isbedel Buu U Baahan Yahay Shacbiguna Waa Waddani”
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bulshada gobolka Togdheer ku bogaadiyay sida ay isku diwaangaliyeen, kadib markii uu muddo todobaad ku siman hawlaha wacyigalinta diwaangalinta u joogay gobolka Togdheer. Guddoomiye Cirro wuxuu shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanu u mahadceliyay taageerayaashiisa oo ku soo dhaweeyay.
“Safarkayagaas Burco ayaanu ka baxnay, waxaanu u baxnay miyigeeda, annagoo barigeeda ka bilawnay, waxaanu tagnay Ina Af-madoobe,Qoryaale, War-cimraan, Shansha-cadde, Balli-dhiig, Dhoqoshay, waxa kale oo aanu tagnay magaalooyin badan oo ay ka mid ahayd Riyo-xidho, Yab-yabo, Duruqsi, Goroyo-xun, Xaaji-saalax, Laan-mulaaxo, Khaatumo, Gudubi, Daba-gorayaale, Cabdi-dheere, Xayn-daanle, Haro-sheekh, Xaaxi, iyo Oodweyne oo aanu xaggaa ka soo gallay, magaalooyin badana kolay waan ka tagay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiye Cirro wuxuu intaasi raaciyay sida hawsha diwaangalintu uga hirgashay gobolka Togdheer “Waxaanu ku faraxsanahay, kuna qanacsanahay, kuna hambalyaynaynaa bulshada gobolka Togdheer, gaar ahaan labada degmo ee ay ka bilaamatay ee Burco iyo Oodweyne, sidii ay ugu diyaar garoobeen diwaangalinta, siday isu diwaangalinayeen, siday safafka ugu jireen iyo sidii guusha lahayd ee ay ku soo dhammaatay qaybtii koobaad iyo siday ku bilaamatay qaybta labaad,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu sifeeyay dareenka xisbigiisa Waddani ka qaatay bulshada gobolka Togdheer “ Dhammaan magaalooyinka aanu tagnay si fiican ayay uga socotay diwaangalintu. Shacbiga Togdheer waxa kale oo aan uga mahadnaqayaa sidii fiicnayd een loo kala hadhin ee ay noo soo dhaweeyeen. Waxaan filayaa dareenka na soo galay waxa weeye dalkuna isbedel buu u baahan yahay shacbiguna waa Waddani,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu soo jeediyay in sixir bararka wax laga qabto “ Sixir bararka; waxaad ka warqabtaan in xukumaddu tidhi doolarka hoos baa loo dhigay laakiin, raashinkii baa la qaali gareeyay, markaa Sixir bararkii miyaa la dhimay mise waa la kordhiyay? Sixir bararka hoos ha loo dhigo,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka hadlay abaaraha ka taagan gobollada galbeedka Somaliland iyo degaanno ka tirsan meelaha ay soo mareen, wuxuuna ku baaqay in dawladda iyo bulshadu u gurmato bulshada abaaruhu saamaynta ku yeesheen. Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cirro mahadnaq u jeediyay taageerayaashiisa oo ku soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo kaga hortagay duleedka bari ee caasimadda.
Hay’adda Wadaniga Ah Ee Al Huda Oo Qaar Ka Mid Ah Imaamada Masaajiida Dalka Gaadiid Iyo Meherado Ganacsi Guddoonsiisay
Hargeysa (Warsugan) Hay’adda Al-Huda ayaa deeq isugu jirta gaadiid iyo meherado ganacsi ku wareejisay qaar ka mid ah imaamada masaajiida Dalka Somaliland. Munaasibad balaadhan oo loo qabtay guddoonsiinta deeqdan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo awqaafta, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Wasiirka Cadaalada, Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta, Xildhibaano, marti sharaf iyo culimaa u diin.
Ugu horeyn agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Al Huda Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay soo gaadhsiisay Hay’adda Al Huda, Hay’adda RAF oo uu fadhigeedu yahay dalka Qadar. Waxaanu yidhi “Deeqdan oo isugu jirta 16 gaadhi oo nooca soomaalidu ay FITZ u taqaano iyo meherado ganacsi oo afar ah waxa aanu guddoonsiinaynaa qaar ka mid ah imaamada dalka somaliland, waxaana na soo gaadhsiisay hay’adda RAF. Insha allaah noqon mayso markii ugu horeysay, laakiin waxa ay noqon doontaa mid joogto ah oo ay ha’adda Al Huda oo la aasaasay sanadkii 1994-kii ay ugu talo gashay in imaamada dalku ay uga faa’iidaystaan sidii ay uga kafayn lahayd in ay kala soo baxaan quutal daruurigooda.
Agaasime Sheekh Cabdinaasir Iid oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyey wax qabadka Hay’adda Al Huda, waxaanu yidhi “hay’adda Al Huda waxa ay dhistay masaajiid, madaariis sidoo kalena waxa ay ka qayb gashaa arrimaha khayriga ah ee hadii ay noqoto mucaawinada la siinayo dadka abaaruhu ay hayaan” ayuu yidhi
Agaasimuhu wuxuu si gaar ah ugu mahad naqay Sheekh Cabdale Abiib Xuseen oo ah guddoomiyaha guud ee Hay’ada al Huda oo uu sheegay in uu guntiga dhiisha iskaga dh igay sidii uu meel sare u gaadhsiin lahaa Hay’ada.
Dhinaca kale wasiirada Cadaalada Axmed Faarax Cadare, Shaqada iyo arrimaha bulshada Cali Maxamuud Axmed Cali Sandule iyo wasiir xigeenka qorshaynta Cabdi wadaad oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka markhaati kacay in hay’ada al huda ay la timid barnaamij u faa’iido ah dhamaanba shacabka somaliland.
Culimo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabdirisaaq Al Baana Iyo sheekh Barbaraawi ayaa iyaguna sheegay in barnaamijkan gaadiidka iyo meheradaha lagu guddoonsiiyay imaamada dalka qaarkood uu yahay mid wax badan ka taraya mooraalka imaamada isla mark aana ay shaqo abuur u noqonayso.
Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa isna amaan u jeediyay hay’adda Al Huda oo uu tilmaamay in ay la timid barnaamij lagu farxo amaana ay ku mutaystay.
Somalia Oo Dunida Ugu Musuqmaasuq Badatay iyo Qodobada Loo Kala Cuskaday Dalalka Musuqu Raggaadiyay iyo Kuwa Nadiifta Ka Ah
Saxaafadda Xorta Ah Oo Ah Qodobka Koowaad Ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa
Berlin(Warsugan) Hay’adda Transparency International, ayaa warbixin sannadeed ay Arbacadii shalay soo saartay waxay ku sheegtay in Somalia noqotay waddanka ugu musuqmaasuqa badan in ka badan boqol iyo lixdan Waddan oo hay’addu qiimaysay. Hay’adda Transparency International, ayaa ah mid fadhigeedu yahay Jarmalka islamarkaana ka shaqaysa boqol dal, waana hay’ad bulsho oo la dagaallanta musuqmaasuqa aduunka ee ku saabsan dawladdaha, ganacsiga iyo heshiisyada qarsoon. Hay’addu waxay sheegtay in kharashaad anfici lahaa dad badan looga faa’iideeyo dad kooban, islamarkaana kuwa musuqa sameeyaa aanay wajihin sharciga ama wax ciqaab ah.
Warbixinta sanadka oo ah natiijada qiimayn dhinaca musuqmaasuqa ah oo lagu sameeyay 168 dal ayay Somalia iyo Kuuriyada waqooyi noqdeen labada dal ee ugu musuqmaasuqa badan. Labadaasi dal waxay kaalinta ugu hoosaysa ku jireen afartii sanno ee ugu dambeeyay qiimaynaha la sameeyay. Inta badan Dunida ayaa Somaliland iyo Somalia isku qaada, balse warbixinta laguma soo qaadin inay wada jir yihiin iyo in kala saaray, balse waxaa la isticmaalay dalka Somalia. Waddanka ku soo xiga Somalia iyo North Korea waxa weeye wadanka Afganistan(Afghanistan).
Warsaxaafadeedka la raaciyay warbixinta hay’adda Transparency International, waxaa lagu yidhi “ Warbixin sannadeedani waxay ku saabsan tahay musuqmaasuqa dhinaca dawladda ee 168 Waddan. Denmark waxay sanadkii labaad gashay kaalinta koobaad, halka Somalia iyo Waqooyiga Kuuriya yihiin kuwa ugu waxqabadka xumaa ee kaalinta ugu hoosaysa galay,” waxaana lagu sheegay inay heleen 8 dhibcood midkiiba.
Wax is-daba-marinta Dalalkan ayaa lagu cabiray dhibco u dhaxeeya 1 illaa 100, iyada oo dhibcaha yar ay la macno yihiin kuwa ugu musuqmaasuq badan. Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ayaa warbixinta ay siisay 8 dhibicood midkiiba, halka Afghanistan ay heshay 11, taasi oo macanaheedu yahay in Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.
Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 91 helay dalka Denmark, halka Finland iyo Sweden ay heleen 90, kuwaas oo ah dalalka ugu musuqmaasuqa yar. Dalka Mareykanka ayaa warbixinta ay siisay 76 dhibcood. Hay’adda Transparency International, ayaa sheegtay in 6 bilyan oo qof oo ah badi dadka adduunka ay ku nool yihiin dalal musuq maasuq xooggan uu ka jiro.
Qodobada Loo Cuskaday Dalalka Nadiifta Ka Ah Musuqa:
Dalalka musuqmaasuqoodu hooseeyo ama nadiifta ku dhaw ayaa la sheegay inay hirgaliyeen saxaafad haysata xorriyad buuxda iyo bulshada oo hesha macluumaad buuxa oo kharashaadka dawladda ama miisaaniyadda ku saabsan. Waxaanay kala yihiin qodobada la hirgaliyay.
1. Xorriyad saxaafadeed oo heer sare ah;
2. Bulshada oo hesha xogta Kharashka ama miisaaniyadda dawladda, sidaas darteedna bulshadu waxay ogtahay meesha lacagta laga keeno iyo sida loo isticmaalo ama loo kharash gareeyo;
3. Kalsooni iyo is aaminaad heer sare ah oo ka dhexaysa madaxda xilka haysa(dawladda);
4. Garsoorka oo aan dadka u kala saarin maalqabeen iyo fiqiir, islamarkaana si xaqiiqo ah uga madax bannaan xukumadda qaybaheeda kale.
Qodobada Musuqa Sahlay Ee Dalalka Musuqmaasuqu raggaadiyay:
Waddamada ugu musuqmaasuqa badan ayaa lagu sheegay inay wadaagaan sifaad ka soo horjeeda qodobada dalalkaasi kale hirgaliyeen. Waddamada qaarkood waxaa ka jirta nabad, balse sinnaan la’aanta iyo musuqmaasuqa darteed waxaa jira guux bulshada dhexdeeda ah oo ammaan darro keeni kara. Waxa lagu sheegay dalal aan ka jawaabin baahiyaha bulshada. Qodobada ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah:
1. Waxaa jira dagaal ama khilaafaad;
2. Dawlad xumo (Maamul xumo)
3. Waxaa diciif ah ama liita hay’addaha dawladda, sida booliska iyo garsoorka;
4. Madax bannaani la’aanta saxaafadda ayaa iyana ka dhigtay inay noqdaan dalalka ugu musuqa badan.
Ugu dambeynna warbixinta hay’adda waxaa bulshada dunida loogu baaqay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in muwaadiniintu dawladahooda ku wargeliyaan arrimaha musuqmaasuqa sida Laaluush qaadashada, heshiisyada qarsoodiga ah iyo ku xadgudubka awoodaha dawladnimo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Meyd Naxash Saaran U Rukuucay
Dadka Ajaanibka Waxan Leeyahay Awaamiirta Dalka U Dejisan U Hoggaansama Cid La Baryayaana Majirto “Badhasaabka Sanaag”.
Ceerigaabo(Warsugan) Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Ayaa Maalintii Salaasada isagoo ka hadlayey xaflad xilalka loogu kala wareejinayey badhasaab-kuxigeen cusub iyo kii hore ee Sanaag wuxu soo hadal qaaday qaabka loola dhaqmi doono dadka aan u dhalan Somaliland ee gobolka Sanaag ku nool oo maalmihii ugu danbeeyeyba hadal-hayntoodu warbaahinta ka dhex muuqanaysey kuwaasoo xukuumadduna dhowaan kasoo saartay amarrada ay dalka kaga baxayaan.
Isagoo arrimahaas ka hadlayana Badhasaabka Gobolka Sanaag wuxu yidhi “Halkan dadka ajaanibka ee maalmahanba ka hadlayey ee laga hadlayey ee la lahaa ha-baxaan iyo ma-baxaan waxa weeye gobolka dadka joogaa xuquuqda dadka gobollada kale ayay la mid yihiin sidii dawladdu u jaangoysey ayuun bay u jaan go’an tahay mana hayno ilaa hadda cid isasoo diiwaan gelisey oo tidhaahda dammiin baa nalaga yahay ama waa tegaynaa”.
Wuxuna Badhasaabka Sanaag intaas kusii daray “Waxan leeyahay ajaanibka gobolka ku nool meel kastoo ay ku nool yihiin hadday Itoobiyaan yihiin iyo hadday Soomaaliya ka yimaaddeenba haysasoo diiwaan-geliyeen qofkii hela dammiin/kafiil buuxa waa laga aqbalayaa kii dammiin waayana sidii arrintu ahayd ayaa looga gun gaadhayaa xuquuqdiinna shakhsiyaadna cidina ku gefi mayso waxase laydin leeyahay awaamiita dalka u dejisan u hoggaansama oo isasoo diiwaangeliya”. “Ciddii diiddana ee tidhaahda bixina maayo isna diiwaangelin maayo waa is arkaynaa cid la baryayaana majirto”.
Wasaaradda Ganacsiga Iyo Shirkadaha Korontada Hargeysa U Shida Oo Isku Afgartay In Hoos Loo Dhigo Qiimaha Sixirka Korontada
Hargeysa (Warsugan) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Kulan la yeeshay Shirkadaha Korantada u shida caasimadda Hargeysa, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana uu usoo bandhigay baahida loo qabo in hoos loo dhigo qiimaha ay shirkadahani ka qaada shacabka macaamiishooda ah oo haatan aad u sarreeya, iyadoo qiimaha shidaalku uu si weyn hoos ugu dhacay.Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Shirkadaha Korontada ee KAAH, ALEEL, TELOSOM IYO GAAFANE, ayey shirkadahani dhinacooda soo dhaweeyeen soo jeedinta wasiir-ku-xigeenka, waxana ay ballan qaadeen inay maalinta Sabtida ah ee soo socota shir iskugu iman doonaan, isla-markaana ka arrintsan doonaan, halkaasna kasoo saari doonaan qiimo naasil ah oo ay dhammaantood ka midaysan yihiin.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Amb. Kaysar ayaa Shirkadaha Korontada ugu mahadnaqay inay aqbaleen in Sixirka Korontada ay hoos u dhigaan, waxaana uu sheegay in xukuumada Somaliland ay diirada saarayso sidii loo jebin lahaa ascaarta kala duwan, isagoo ganacsatada kala duwan ee dalkana ugu baaqay inay jebiyaan qiimaha Ascaarta, waxaana uu sheegay in Xukuumada Somaliland ay indho gaar ah ku eegi doonto Ganacsatada ka baaqsata inay Jabiyaan Qiimaha ascaarta, kala duwan maadaama ay Xukuumadu jabisay qiimihii Doolarka.
Kulankan Wasiir ku xigeenka waxaa ku weheliyay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Mudane Aadan Dhagax iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxyeedyada wasaarada ganacsiga, waxana tallaabadani haddii ay hirgasho ay naruuro weyn u tahay shacab tiro badan oo ay dhibaato ku hayaan ganacsato dhiig-miirato ah oo ujeeddadoodu tahay inay faa’iido helaan mar walba.
URURKA MIDOWGA MAREEGAHA SAXAAFADDA SOMALILAND EE SOMA OO CAMBAAREEYEY XADHIGA WERIYE XASAN-SHAAH, BAAQNA U DIREY WASIIR CUKUSE.
Hargeysa(Warsugan): Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa cambaareeyey Xadhiga uu Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu kula kacay Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah) oo shalay Xabsiga u taxaabey, isla markaana ugu baaqay inuu si degdega xorriyadiisi ugu soo celiyo.
“Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) ayaa waxaan cambaareynayaa xadhiga sharci-darada ah ee Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed DAAHIR (Cukuse) kula kacday Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah) oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/1/2016 uu xabsiga u taxaabay” ayuu yidhi Mustafe Janaale oo ah gudoomiyaha midowga mareegaha saxaafadda ee Somaliland.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xadhigan Suxufigan ayaa ah sharci-daro maadama aan loo marin sifo sharciya, taasina waxay ka hor imanaysa xorriyatul-qawlkii, waxaanay u muuqataa inay xukuumadda Madxweyne SIILAANYO caaddeysatay xadhiga, cabudhinta, cago-jugleynta ay ku hayso suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda gudanaya, waanan ka xumahay in suxufi aan danbi lagu heynin lagu xidho qaab aan sharciga waafaqsanayn. Xadhiga Weriye Xasan-Shaah ayaa ka danbeeyey, kadib markii koox ka mida shaqaalaha Wasaarasada Warfaafintu ay cabasho ula tageen Wasiirka, taasina ay keentay in Xabsiga loo taxaabo Weriye Xasan-Shaah oo ka mida Suxufiyiinta ka hawlaga Telefiishanka Somaliland National TV iyo Idaacada Radio Hargeysa, oo imika ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.”
Ugu danbayntii qoraalka ayaa farrin loogu diray wasiirka war-faafinta waxaana lagu yidhi “Sidaa daradeed waxaan ugu baaqaya Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), inuu si degdega xorriyadoodii ugu soo celiso Suxufi Xasan-Shaah oo sifo sharci-daro ah xabsiga loogu taxaabay, Xadhiga suxufiyiinta ee soo noqnoqday wuxuu saameyn xun ku leeyahay madax-banaanida war-baahinta. Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland”