Warbaahintu waxay si gaar ah diiradda u saareen hadal ku jiray War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, taasi ay Beesha Caalamka ugu baaqday in aanay Somaliland daba wadin Dawladda fashilantay ee Soomaaliya, balse ay si gaar ah ula Macaamilaan Somaliland.
Wargeyska Business Week, ayaa qoray War-bixin dheer oo uu Ciwaan uga dhigay “Naga Saara Siyaasadda ah Somaliland-Soomaaliya”, taasi oo uu ku muujiyey sida Somaliland u doonayso in Beesha Caalamku ula macaamisho si Madax-bannaan oo aanay daba wadin Soomaaliyada fashilantay.
Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland mar kale ku celisay in aanay ka mid ahayn dowladda Muqdisho isla-markaana ay sii wadi doonto shaxdeeda siyaasadeed ee ku aadan dowlad madax-banaan, maaddaama oo Somaliland tahay mid 30-kii sanadood ee u dambeeyay Dimuqraadiyaddeedu ka dhex ifaysey Geeska Afrika, sannadkana u diyaar ah inay qabsato doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.