Wargeyska Warsugan Oo Warbixin Ka Diyaariyey Xuduud La’aanta Ganacsiga Somaliland Iyo Saamaynta Uu Bulshada Ku Leeyahay

0
437

Wargeyska Warsugan Oo Warbixin Ka Diyaariyey Xuduud La’aanta Ganacsiga Somaliland Iyo Saamaynta Uu Bulshada Ku Leeyahay

 Hargeysa(Warsugan ) Wargeyska Warsugan ayaa warbixin ka diyaariyey  kala xadayn la’aanta ganacsiga Somaliland, waxa aanu waraysiyo kala duwan la yeelanay dadyow  kala duwan isagoo wargeysku u dhabo gelaya marxalada isku dhafka ganacsiga hadaba Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caaliga ah ee Somaliland Aadan Cilmi Axmed oo warasi gaara siiyey Wargeyska Warsugan ayaanu wax ka waydiinay arrimaha ganacsiga iyo sababaha wasaaradda ganacsigu xuduud ugu kala samayn wayday  isagoo ugu horyn sharaxaya waxa ka wasaarad ahaan uga meel yaal ayaa waxa uu yidhi agaasimuhu sidan  ” Sideedaba waxan leenanay xeer la yidhaahdo X 2004  golayaasha laga ansixiyey oo aad u gaabnaa oo in la balaadhiyo u baahan ayaanu horta leenahay, xeerkaasi wuxuu kala xadeyaa ganacsiga  ganacsigu wuxuu leeyahay nin waxna wuu dhoofiyaa waxna uu soo dejiyaa, nina wuxuun soo dejiyaa  nina jumlad buu wax ku iibiyaa, kuwo ayaan anaga xuduudaya soo gelin oo tafaariiq ah  dawladda hoose aya ku shaqo leh, horta ganacsigu sidaas buu u kala xadaysan yahay xeerkaana wuu kula xadaysan yahay walow xeerkaasi fulintiisii kolka qaabab kale loo eego ay wax ka dhiman yihiin”

Sababta uu u hirgeli waayey  xeerka  kala xadaynta ganacsiga somailand ayaan waydiiday Agaasime Aadan Cilmi Axmed  waxaana uu ku jawaabay ” Horta Dalkneeu waa dal balaadhan xuduudaheenuna wa xuduudo balaadhan, dadkeena in badani xadadka debadiisa ayey joogaan, waxay usoo suuq doontaan magaalooyinka waa weyn oo ay had iyo gooraale badeecadahooda ka iibsadaan, awoodeena aynu sharciga ku fulino iyo ciidamadeenuna way kala fara badan yihiin oo meel walba ciidan ma geyn karayno oo ma dhigi karayno, markaa intii aynu kolba tahli karno inaynu qabano ayaa loo baahan yahay , markaa nimanka ganacsatada ahi marka ay lacag leeyihiin waa camaaliqa”

“Diinteenu ma ogola Ixtikaarta waxa la yidhaahdo in dadka sixirkiyo wax kala iibsiga iyo qaayimada lagu dhibo oo maaragtay cunaha lagu qabto, diinteenu ma ogola wax walbana waxaa xukumaaya sharciga, sharcigan 2004-kii baa la baas gareeyey, horta in dadka la xakameeyo markuu meelaha qaarkood gaadhana waa loo baahan yahay inuu bahalku isagu ismaamulo oo aan la faro gelina wuu ku wanaagsan yaahy, haddii la farageliyo wuu ka daraaba beryo aanu fara gelinaysay bariiskii waa la kala qarsaday”

Agaasimuhu waxa u dadweynaha usoo jeediyey inay qabtaan hadba halkii wax ka jaban ka helayaan sidoo kalena wuxuu kala dardaarmay qabyaalad wax ku iibsiga ” Waxaanu ummuda iyo dadweynahaba u sheegaynaa waar sidii dhaqanka ganacsigu ahaa haloo dhaqmo sidii aan ummadana loo dhibi lahayn ninkuna faaido macquula  u heli lahaa haloo shaqeeyo taasaa xaga Insaanimada iyo xaga Islaamnimadaba ku wanaagsan , Waar dadkow ninka wax idinku qaali garaynaya dee iska daaya oo mid kalaa ag jogee kalee ag jooga ka iibsada oo qabyaalad wax ku iibsiga iska daaya”

Aqooyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo isagu bartay dhaqaalaha iyo ganacsiga  islamarkaana ka baxay Jaamacada Admas ayaan wax ka waydiinay hab sami u socodka ganacsiga somaliland iyo sida uu u arko isagu ka aqoon yahan ahaan  waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay ” Kolay wadanku burbur badan buu kasoo kabtay suuqa ganacsiga somaliand waa suuqa xorta loo yaqaano, inkastoo sharciyo iyo caqabado badani maqan yihiin hadana ganacsiga somaliland marka loo eego halkii laga soo bilaabay meel fiican buu marayaa, waxaa loo baahan wixii sidii uu sii waari lahaa iyo taduwur badan loogu samayn lahaa midha dhalkiisa iyo faaidadiisa guudna ay u noqon lahayd mid balaadhan oo bulshadana kobaceedu wada gaadho, dadka ganacsiga soo gelaya iyo fursadaha jirayaana ay noqon lahaayeen fursado balaadhan waxyaabaha keliya ee la odhan karo  tabayaana waxa weeyaan maalgashiyadii gudaha aan wali daboolka laga qaadin”

Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa  soo jeediyey in lagu dhiirado dhaqan gelinta xeerka kala xadaynta ganacsiga isagoo sheegay inuu muhiimad gaar ah leeyahay ” Xeerka kala xadaynta ganacsigu waxaa iigu danbaysay isagoo inta la diyraariyey aan dhaqan gelin, dhaqan gelin la’aantaasina waa mid caqad ku ah oo waxay keensatay in uu abuurmo suuqii xorta ahaa isagoo suuqii guud ee xortaa uu abuurmo hadana uu suuqii koobmo oo ay ganacsatadii tunka weynayd diidaan in fursadihii ganacsiga cidi soo gasho toos iyagoo aan u diidayn ay si dadban u diidaan, Xeerkan kala xadaynta ganacsi waa xeer aad u muhim ah u baahan in lagu dhiirado iima muuqato runtii caqabado waa weyn oo hortaagan”

Maxamed Muuse Maxamed  wuxuu ka mid yahay ganacsatada dhexe islamarkaana ka ka ganacsada Caasimadda Hargeysa, Maxmed oo aanu u booqanay Dukaankiisa ayaa ayaanu waydiiday  saamaynta kala xadayn la’aantu  ganacsiga ku leedahay ayaa waxa uu ku jawaabay ” Hadaanu nahay ganacsatada dukaanlayda heerka dhexe horta heerka labaad waxay nagu hayaan waxyeelo aad u weyn, waayo  iyagaa waxyaabihii aanu qaban lahayn oo dhan badankooda qabta sida haday noqoto  tafaariiqdii oo anagu aanu qaabilsan tahay ayagaa tafaariiqayntii oo kale oo anagu aanu qaabilsanahay iyagaa tafaaariiqeeya imika oo qof walba gurigiisa ugu geeya alaab inta uu u baahdo halka ay ka ahayd inuu qofku usoo doonto dukaankii oo alaabta dukaanka ka iibsado, Sixifkii Ascaarta qiimaha alaabta lagu iibinayo ganacsatadu kolba siday doonan naga yeelaan nin iyo siduu u arko ee uu ganacsigiisaa ama alaabtiisaasi ku soconayso, yuun buu ku socodsiiyaa isagoon u eegayn cida ka iibsanaysa”

Maxamed Muuse Maxamed  waxa uu tilmaamay sida uu xalka u arko kuna samata bixi karo ganacsigaasi waxaana uu sidoo kale soo jeediyey in loo baahan yaahy xeer meel mar ah oo kala xadeeya ganacsiga ” Xalku wuxuu noqon karaa nin iyo shaqadiisa horta in loo daayo ayey noqonaysaa oo ninkii wax tafaariiqeynayey uu dukaankii tafaariiqeeyo, kii jumlada ahaa uu jumladiisii ku eekaato   kii wax lasoo degaayey  waxna dhoofinaayey uu ku eekaato, Fariinta ugu muhiimsan aanu diraynaa waxa weeyaan kala xadayn, hadii cid waliba xadayn yeelato ay xuduud iyo meelay ku eekaato ay yeelato, sharci kala xadaynayaa haduu jiro taasaa noogu muhimsan hadaanu nahay dabaqada dhexe.”

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office