Wasiir Ku Xigeenkii Hore Warfaafinta Somaliland Oo Geeriyootay.

0
347

Alle ha u naxariisto Marwo Shukri Xariir Ismail, Wasiir ku xigeenkii hore Warfaafinta , sido kale waxa ay kamid ahayd Suxuufiyiinta rugcadaaga ah ayaa Hargeysa ku geeriyootay.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa marxuumadda ku sifeeyay Shakhsi wanaagsan iyo wariye ruug caddaa ah oo hawl karnimo iyo hal adayg ku astaysan, isla markaana si hufan ugu soo shaqaysay Bulshadeeda muddaddii ay wasiir ku xigeenka ahayd iyo intii ay siyaasadda ku jirtayba.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here