Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa maanta socdaal ugu baxay waddanka Imaraadka Carabta.
Wasiir Kaahin, ayaa waddankaasi u tegaya baadhitaan Caafimaad kadib markii dabayaaqaadii bishii hore la dhigay Cisbitaal ku yaalla Hargeysa xaalad Caafimaad aw-geed.
Wasiirka ayaa hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, maalmihii la soo dhaafayna shaqada wasaaradda ayuu ku jiray balse waxa uu soo mari doonaa sida la sheegay baadhitaan guud.