Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanay doorashadu waqtigeedii dib uga dhacayn lana qaban doono waqtigii loogu talo galay.
Wasiirka ayaa sheegay hadalkan mar uu goor dhoweyd ka hadlaayey shirka dhalinyaradda ee xisbigaasi oo ka socda Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Waxaanu wasiir Xaashi Sheegay in ay diyaariyeen lacagtii doorashada lagu geli lahaa intii hadhsanayd, iyada oo dhowaan la dhamays tiri doono , iyada oo xukumadu bixin doonta 80%.
Waxaanu meesha ka saaray wasiir Xaashi dib u dhicii ay filayeen in ku timaado doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo sannadka soo socda la filaayo inay dhowan ka dhacdo dalka.
war sugan