Waxay igu tiri “anigu geeri kama baqayo ee adiga dedaal saa carruur baa kuu joogta guriga”

0
298

Haweeney iyada iyo hooyadeed uu cudurka Covid-19 ku haleey gudaha dalka UK ayaa wajahday xaalad aad u adag kaddib markii iyada oo arkeyso ay hooyadeed cudurkaasi u dhimatay, arrintaa oo horseeday in dadka ay haatan ugu baaqdo in sida ay tahay u raacaan tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaasi.

Maria Rico, oo 76 jir ah, kana soo jeeda Leicestershire ayaa iska siibtay tuubada oksijiin ee sanka kaga jirtay, si markii ugu dambeysay ay ula dardaaranto labadeeda gabdhood oo midna bukaan ahayd midda kalena ay soo booqatay.

Maria waa ay ogayd in arrintaasi ay soo dedejinayso dhimashadeeda waayo si caadi ah uma aysan neefsan karin.

Gabadheeda Anabel Sharma oo xilligaasi iyadana la xanuunsanayd cudurkaasi isla markaana garab jiiftay hooyadeed ayaa marxaladdaasi ku tilmaantay mid “murugo leh” balse waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in hooyadeed aysan meel cidlo ah ku dhiman.

Anabel ayaa soo bandhigaty sawirradii ugu dambeeyay ee ay la gashay hooyadeed, si dadku ay uga wacyi geliso halista cudurkaasi.

Farxad’

Waxa ay sheegtay in hooyadeed ay dhimatay nus-saac uun kaddib markii laga siibtay tuubada Oksijiinka ee ay ku neefsanaysay.

“Hooyadeey ayaa ka codsatay hawlwadeennada caafimaadka inay ka siibaan tuubadaasi, waxayna ku yiraahdeen, ‘marka aan kaa siibno ayaa nolol kugu dambeyn doonto oo dunida kuma sii waari doontid’.

Anabel ayaa intaasi ku dartay in hooyadeed ay ku jawaabtay “Haa, waan ogahay taasi, haseyeeshee nolal intaan ayaa iigu filan.”

“Waxaan la joognay ilaa shan daqiiqo oo ay nala hadleysay, kaddibna waa ay miyir beeshay,” ayay tiri Anabel Sharma.

“Waxay noo sheegtay in aysan ka baqayn dhimasho, ayna diyaar u tahay geeri. Waxay igula dardaarantay inaan aad u dedaalo madaama ay guriga ii joogaan carruur.”

ANABEL

Susana oo ay walaalo yihiin Anabel ayaa sidoo kale loo ogolaaday in ay goob joog ka ahaato geerida hooyadeed, balse waxay xirnayd qalabka looga gaashaanto fayraska cudurkani.

“Gacanteeda ayaan haynay ilaa iyo inta ay ka naf-baxaysay,” ayay sii raacisay.

“Farxad ayay ii tahay in ay inoo suurtagashay in aan garab taagnaanno hooyadeen ilaa iyo inta ay ka dhimaneysay. Sidoo kale, waxaan hubaa in hooyo ay iyaduna ku qanacsanayd la joogannaga oo ay ku il-qabowsanaysay.”

Maria Rico ayaa la noolayd gabadheeda Anabel iyo saddex wiil oo ay ayeeyo u tahay iyo aabahood oo ay hal guri ku wada noolaayeen.

Anabel ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in mid ka mid ah wiilasheeda uu cudurkaasi ka keenay iskoolkii uu dhiganayay isla markaana uu ku faafiyay qoyska intiisa kale.

“Waxaan dadka ka codsanayaa inay raacaan oo ay u hoggaansamaan dhammaan dedaallada looga taxaddaraayo faafitaanka cudurkani oo ay ka fikiraan dadka kale,” ayay tiri Anabel.

ANABEL

Anabel iyo hooyadeed ayaa bishii Oktoobar isku maalin la dhigey isbitaalka Leicester Royal balse Maria Rico ayaa dhimatay 1-da bishii Nofembar.

Anabel oo xilligaasi isbitaalka ku jirtay ayaa aaska hooyadeed si toos ah intarneedka uga daawaneysay.

ANABEL

“Si wanaagsan ayay ula socotay waxa dhici doono, oo waa ay ogayd in aysan ka kici doonin cudurkaasi,” ayay tiri Anabel Sharma, oo wali uu ku rakiban yahay qalabka lagu neefsado maadaama fayraska cudurkani uu baabi’iyay sambabadeeda.

Waxay ku tilmaamtay hooyadeed inay ahayd “ayeeyo cajiib ah” oo “aad iyo aad u niyad sameyd.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here