Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo safarkisii gobolada bariga Somaliland ee uu maalmahan ku joogay Togdheer galabta uga soo caraabay gobolka Saaxil iyadoo aad loogu soo dhaweeyey Degmooyinka, iyo Tuulooyinka u dhexeeya Burco iyo Berbera.
****************************************************************************************
Ciidamada qaranka ayaanu la soo qaadanay sanad guuradoodii, wanaaga iyo difaaca dalka ee ay wadaan ayaan la soo aragnay.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Sheekh waa magaaladii aan ku koray, waa magaaladii aan wax ku bartay waa magaaladii aan ka guursaday waa magaaladii aanu wax weyn weyn weyn isu ahayn weeyi dadweyneheeda.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Soo dhawaynta madaxweynaha ee jidadkaa uu soo marayey marka laga soo gudbo waxa si weyn oo maamuus leh loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa Degmada Sheekh oo ah degmo udub dhexaad u ah taariikhda madaxweynaha Qaranka isagoon madaxweynuhuna marnaba dhaafin ilaa uu shacbiga ku dhaqan degmadaa sheekh khudbad u jeediyo kalana hadlo Khayriyada Magaalada.
Hadaba Galabta oo ay reer Sheekh madaxweynaha ku qaabileen Caleemo qoyan, Calanka Somaliland, Eryo dhaxalgal ah iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Somaliland u gaarka ah ayuu madaxweynuhu khudbad taariikhi ah uga jeediyey halkaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu:-
“aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh eed noo soo dhawayseen sidii idin caadada ahayd weeyi, sidii laydin ku yiqiinay weeyi, dad shafar mudan baad tihiin, magaalada sheekh waa magaaladii aan ku koray, waa magaaladii aan wax ku bartay waa magaaladii aan ka guursaday waa magaaladii aanu wax weyn weyn weyn isu ahayn weeyi dadweyneheeda, wana ku ogaa waan ku bogaadinayaa waxay u ahayd dhaqan fiican oo wanaagsan marxabayta dadka iyo madaxda iyo soo dhawaynta ay khaas ahaan loo sameeyeen aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa sidaa aad noo soo dhawayseen, safar dheer ayaanu soo marnay meelo badan oo dalka ahna waanu soo marnay, wax wanaagsan ayaanu ku soo aragnay ciidamada qaranka ayaanu la soo qaadanay sanad guuradoodii, wanaaga iyo difaaca dalka ee ay wadaan ayaan la soo aragnay iyagana mahad balaadhan ayaan u celinaynaa safarkaasina imika wuu naga soo dhamaaday oo guryo noqod ayaanu nahay Hargeysa ayaanu ku soconaa markaa insha allaahu tacaala idinkuna sidaad noo soo dhawayseen iyo halkaad marinaysaan dalka iyo dadkaba aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaynaa waana idinku hambalyeynaynaa, waxanan idin leeyahay macasalaama galad iyo wanaag ayeynu isku ognahay ”
Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayeyna waxay caawa ku Sugan yihiin Magaalada xeebeeda marsada Berbera oo ay ku soo haydeen fiidkii hore ee caawa.