Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Gobolka SANAAG Iyo Xukuumadda Oo Aamus Ku Jirta

0
539

 

Xisbiga mucaaradka ah ee waddani, ayaa noqday xisbigii u horeeyay ee baaq nabadeed ka dira xaaladda deegaanka shidan ee waqooyiga gobolka sanaag

Deegaanka shidan, ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isu geystay

Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga waddani ayaa baaqan diray wuxuuna yidhi:-

BAAQ NABAD GELYO:

Waa bishii shacbaan,Waa horaantii bishii barakeysneyd,waxaa haboon qof walboo muslina inuu u sii diyaargaroobo bishaa kheyrka leh,alle hayna waafajiyee.

Waxaan halkan baaq nabadgelyo uga dirayaa dadka wallaalaha ah ee ku dagaalamaya buurta shidan, dhiiga muslinku Waa xaaraan ,

qof muslina oo la dilaa Waa denbi qof banii aadama uu sameeyo ka ugu weyn marka laga yimaado gaalnimada.

Walllayaal joojiya dagaalka aan khasaare mooyee wax faaiido ah aan lahayn.

Mar labaad wallaalayaal joojiya dhiiga sida macno darada ah u daadanaya,alle kheyrka hana waafajiyo.

Xukuumadda somaliland weli kama hadal dagaalka labadan beelood ku dhex-maray deegaanka shidan ee waqoogiga sanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here