10-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Fiican Dunida Kubada Cagta Xili Ciyaareedka 2015-2016: Lionel iyo Cristiano Keebaa ah Kan Koobaad?

0
431

10-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Fiican Dunida Kubada Cagta Xili Ciyaareedka 2015-2016: Lionel iyo Cristiano Keebaa ah Kan Koobaad?

Hargeysa(Warsugannews)Majalada ka faaloota arimaha Ciyaaraha ee Telegraph ayaa sameysay qiimayn aad u balaadhan oo lagu tilmaamayo ciyaaryahanada ugu fiican dunida, iyaga oo u eegaya guulaha uu lagaadhay kooxdiisa iyo xulkiisa iyo sidoo kale goolasha uu dhaliyey, Qiimayntan oo Ka Kooban 10 Ciyaaryahan ayaa waxa aad uga muuqda ciyaaryahanada ka ciyaara horyaalka La Liga Oo iyagu helay 7 ciyaaryahan halka Premier Ligue uu helay 2 Ciyaaryahan iyo Seria A ay iyana yeesheen 1 ciyaaryahan kooxda Barcelona oo heshay 3 kamid ah ciyaaryahanadan halka kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munchen ay iyana heleen mid 2 ciyaar yahan halka kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Juventus ay heleen mid 1 ciyaaryahan. Qiimayntii Lasoo Waxay U dhignayd sida tan:
1. Lionel Messi (Barcelona, ??Argentina)

Labadii sano ee u danbeeyey ayaad moodaa in qaab ciyaareedka ciyaaryahanku hoos u yara dhacay dhaawacyo hadheeyey dartood, Ciyaaryahanka ayaa wadankiisa Argentina gaadhsiiyey finalka koobkii aduunka ee 2014ka nasiib xumase wadanka Germany ayaa koobkaas ku guulaystay halka Messi loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa koobkaas. Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale kula guulaystay kooxdiisa 5 koob oo isugu jira kuwa laga dheelo Spain iyo kuwa qaarada yurub iyo sidoo kale kuwa aduunka.Waxaanu kamid yahay 3da weerar ee Barcelona u ciyaara laguna tilmaamo Weerarka Ugu Khatarsan Dunida.

2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid, Portugal)

Ciyaaryahankan ayaa waxa uu ku guulaystay 2dii sano ee u danbeeyey kubada dahabka ah ee Ballon D’Or waxaase uu ku fashilmay koobkii aduunka ee 2014 oo uu xulkiisa gaadhsiin waayey wareega 8da , laakiin waxa uu ku jiraa booska labaad ee liiskan.

3. Luis Suárez (Barcelona, ??Uruguay)

Xiddiga reer Uruguay ayaa wajahay caqabado badan oo bilowgii xilli ciyaareedkan, inu u dhaqaaqo koox weyn, oo ay kaga horeeyaan xiddiga adduunka ugu qatarsan ee Messi iyo sidoo kale Neymar, isaga oo ka maqnaa labadii bilood ee u horeeyey xili ciyaareedkan oo ay sabab u ahaayeen ganaaxyadii lagu soo rogay ciyaaryahankan. Laakiin Ciyaaryahanka ayaa lasoo baxay qaab ciyaareed cajiib ah,waxaana lagu tilmaamaa inaanu ahayn xaasid marka xariijinta 18naad la soo gaadho isaga oo caawiyey Neymar iyo Messi labadaba.Suarez waa xubinta labaad ee weerarada Barcelona

4. Arjen Robben (Bayern Munich, Netherlands)

Ficillo Robben ayaaa garoomada uu ku ciyaarayo toos uga dhexmuuqda, isaga oo da’diisu tahay 31jir ayaan hadana awoodiisa ciyaareed la dafiri karin. ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Holland ayaa dhaliyay 17 gool u dhaliyay 21 kulan oo uu saftay horyaalka Bundesliga,iyo sidoo kale todobo gool oo uu caawiye ka ahaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

5. Neymar (Barcelona, ??Brazil)

Neymar Waa Xubinta saddexaad ee Seddexda weeraryahanka Barcelona. waxa uu dhaliyey 122 gool tartamada oo dhan. Guulaha Neymar ayaa inta badan iska kaashadaan ciyaaryahanada ka garab ciyaara ee Messi iyo Suarez, laakiin goolasha uu u dhaliyey si kalidiis ah oo aan laga caawin ayaa dhan 39 gool.

6. Manuel Neuer (Bayern Munich, Germany)

Manuel Ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka waana ciyaaryahankii ku guulaystay kaalinta sadexaad ee ciyaaryahanka ugu fiican sanadkii ina soo dhaafay. gool hayahan 29 jirka ah ayaa la sheegay in awooda gacmihiisa iyo lugihiisa ku jirtaa tahay dheeraad.

7. Eden Hazard (Chelsea, Belgium)

Ciyaaryahankan ayaa ka ciyaara horyaalka ingiriiska ee Premier League, Hazard uu ahaa weeraryahanka kaliya ee si joogto ah u dhiibay Chelsea xilli ciyaareedka oo dhan (Caawiye ka noqday). ciyaaryahanka reer Belgium ayaa sii wadda inuu noqdo ciyaaryahan lagu tashan karo, bixinta 14 gool oo uu caawiye ka ahaa sagaal ciyaarood oo Premier League xilli ciyaareedkan ayaan ahayn wax fudud.

8. Paul Pogba (Juventus, France)

Ciyaar yahankan u dhashay wadanka France ayaa ah mid kamida ciyaaryahanada khadka dhexe ugu khatarsan dunida. Pogba oo 22 jir ah ayaa waxa uu ku sifoobay farsamo, awood iyo xawaare badan. Manchester United ayaa xili walba ka calaacasha ciyaaryahankan sida dhibta yar ee uu kaga tagay.

9. James Rodríguez (Real Madrid, Colombia)

Markii uu noqday xiddig ayaa ahayd koobkii aduunka sanadkii hore, Ciyaaryahankan reer Columbia ayaa lagu soo qaatay lacag badan waxaanu tartan u galay sidi uu boos joogto ah uga heli lahaa koox kamida kooxaha ay joogaan ciyaaryahanada ugu fiican dunida. Laakiin 23-sano jirkan ayaa u dhaliyey kooxdiisan rer boqortooyo 17 gool halka uu caawiye ka ahaa 18gool.

10. Sergio Aguero (Manchester City, Argentina)

Dhaawacyo yaryar oo hadheeyey ciyaaryahanka ayaa ka hor taagan inuu u ciyaaro qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, laakiin waxa uu muujiyey inuu weli yahay ciyaaryahankii uu hore u ahaa maadaama uu ku guulaystay inuu ahaado ciyaaryahanka ugu goolasha badnaa Premier Leaguega isaga oo dhaliyey 26 gool. Soo laabashada weeraryahankan ayaa ka dhigaysa Manchester inay ku hamido markale inay ku guulaysato Premier Leage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here