Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo Munaasibad Soo Dhaweyn Iyo Duco Ah Loogu Sameeyey Degmada Saba-Wanaag

0
490

Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo Munaasibad Soo Dhaweyn Iyo Duco Ah Loogu Sameeyey Degmada Saba-Wanaag

Bali-axmed(Warsugannews)Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin ayaa munaasibad iskugu jirta soo dhaweyn iyo Duco loogu sameeyey Deegaanka Bali-axmed oo ka tirsan Degmada Saba-wanaag. Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin iyo Balaadhan Wafti uu hogaaminayo oo Subixii hore ka Ambabaxay Magaalada Hargeysa ayaa intii ayna gaadhin Deegaankii Xaflada loogu sameeyey waxaa soo dhaweyn miisaanleh ku qaabiley Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Deegaanada ka sokeeya Bali-Axmed .
Suldaanka iyo Waftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen Deegaanka Bali-Axmed waxaa soo dhaweyn Mug iyo Miisaanleh ku Qaabiley Bulshada ku Nool deegaankaasi Bali-Axmed iyagoo Suldaanka iyo Waftigiisa kaga Horyimid Dhinaca Galbeed iyagoo lulaya Caleemo Qoyan isla markaana ku dhawaaqaya Halku dhigyo kala duwan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan iyagoo u u galbiyey Goobtii Munaasibadu ka socotey.

Munaasibadan oo ahayd mid ay ka muuqatey agaasim Balaadhani ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey Ka jeediyey Odayaal,Waxgarad aqoonyahano ku waasi oo dhamaantood iska daba marey in ay taageersan yihiin suldaanka una ducaynayaan.
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin . Gaba-gabadii Munaasibadaasi waxaa soo afmeerey Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin ayaa mahadanaq balaadhan u jeediyey Bulshadii ka soo qaybgashay munaasiadbadani Suldaanku waxaa u Bushada ku Nool Deegaanadaasi illaahy u weydiiyey in uu raxmaadkiisa u shubo Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin waxaa uu Bulshada Deegaanka Saba-wanaag kula Dar-daarmay in ay ka wada shaqeeyaa dhinaca wanaaga kuna tartamaan xaga Horumarka iyagoo Muujinaya isku Duubni.Guud ahaanba Bulshadii Munaasibadaasi ka hadashay ayaa dhawaaq dheer ku sheegay in ay Taageersanyihiin isla markaana ay Hiil iyo Hooba la garabtaagan yihiin.

so3

so5

so6

so8

so9

so10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here