Arrintu Sidii Hore Ahaan Mayso,Xaaladuhu Way Ka Duwan Yihiin Sidii Hore Wasiirka Biyaha

0
467

“Arrintu Sidii Hore Ahaan Mayso,Xaaladuhu Way Ka Duwan Yihiin Sidii Hore”Wasiirka Biyaha

Hargaysa (warsugannews) Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag Barri inay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaanu sheegay in ay hore xuquuqdooda ugu waayeen dadweynaha ku nool goboladda Sool iyo Sanaag Barri doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee aanay codaynin.

Wasiir Baashe, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu Khamiistii ka jeediyay munaasibad lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa. waxaanu carabka ku dhuftay in wakhti xaadirkan dadweynaha goboladaasi ay u heelan yihiin sidii ay uga qaybgeli lahaayeen doorashooyin soo socda. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna wax uu yidhi “Dadweynaha gobolada Sool iyo Sanaag bari xilka saarani waxa weeyi inay ka qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo ay ka hadho ma codeeyaan. Taasina duruufo badan ayaa keeni jirtay, duruufihiina maanta waa is-bedeleen, oo dadku way soo jeedaan.

Haddii aynu ka hawlgalno, umaddana la wacyigeliyo, diiwaangleintana ay galaan dadka ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag Barri, waan hubaa in cod badani ka soo bixi doono.” Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Arrintu sidii hore ahaan mayso, xaaladuhu way ka duwan yihiin sidii hore, waana la codaynayaa. Waayo? xuquuq badan oo dadkaasi ay lahaayeen ayay ku waayeen codayn la’aantii hore, faham la ‘aan ayaana iska jiri karta hadda se waa la codaynayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here