Aubameyang: Waxaan doonayaa inaan noqdo Messi iyo Ronaldo oo kale

0
844

Aubameyang: Waxaan doonayaa inaan noqdo Messi iyo Ronaldo oo kale

Hargeysa(Warsugannews) Weeraryahanka la hollin la’yahay ee kooxda Borussia Dortmund, Pierre-Emeric Aubameyang ayaa tilmaamay sida uu u sareeyo hamigiisu, kuna raad joogo jidkii uu ku noqon lahaa laacib la siman xaga heerka, xidigaha dunida shida ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka reer Gabon, wuxuu la soo baxay wacdaro intii uu socday xili ciyaareedka 2015-16, isagoo shabaqa dhex dhigay 13 kubadood, 11 ciyaarood oo uu saftay horyaalka Jarmalka ee Bundesliga, halka uu 20 gool ka dhaliyey guud ahaan tartamada qaarada Yurub ee naadigu ka qayb gallay, isagoo figta sare u saaran dhinaca gool dhalinta xidigaha Yurub.Pierre-Emeric Aubameyang oo qalaama roganaya

Kabta dahabka ah ee lagu maamuuso ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliya, ayaa ahayd xayndaab ay qandaraasteen oo marba mid qaadayay ama ku guuleysanayay weeraryahanada shabaqa u saaxiibka ah ee kooxaha Madrid iyo Barcelona, waxaanu doorkan Aubameyang diiradda saarayaa inuu ka saaro labadaas laacib shaashadaha gool dhalinta.

“Runtii waa shay aan aad u doonayo hantiyidiisu. Inaan noqdo ciyaaryahanka ugu fiican dunida, Ronaldo iyo Messi, waxay awoodaan inay dhaliyaan saddex gool ciyaar kaliya, afar kalena ay raaciyaan kulanka xiga,” ayuu ku yidhi warfidiyaha Telefoot.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here