Bulshada Gobolka Sool oo si Wayn ugu Diirsatay Socdaalkii Saxar tire ee Shanta Wasiir ku Yimaadeen Gobolkooda iyo Kaalintii Hogaamineed ee Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Abdi Run IYO Raad Raac‏

0
564

B ulshada Gobolka Sool oo si Wayn ugu Diirsatay Socdaalkii Saxar tire ee Shanta Wasiir ku Yimaadeen Gobolkooda iyo Kaalintii Hogaamineed ee Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Abdi Run IYO Raad Raac

Dal jir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha

Nin daneeya baahida dadkoo danaha guud eega

Dildilaaca nin naga awdayoo naga daboolaaya

Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin

Gabaygii Daljir Erayadii iyo Qalinkii ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa soo badanaya Indheer garadka arimaha Siyaasada u kuur gala ee Mucaarid iyo Muxaafidba leh kana marag kacaya Dadaalada xoogan ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ugu jirto u kuur galida nolosha dadwaynaha Bari iyo Galbeedba, Adkaynta Nabadgalyada ,Horomarinta Adeegyada Danta Guud ee Aasaaska u ah nolosha Aadamaha ,Turxaan bixinta Khilaafyada soo kala dhex gala ,Isku soo dhawaynta Bulshada S/land ee Walaalaha ah iyo Guubaabada joogtada ee Muwaadiniinta la barbar taagan yihiin anigoo qormadan ku lafo guri doona Socdaalkii u danbeeyay ee Shan Wasiir oo Xukuumada S/land ah iyo Xilldhibaano Golaha Wakiilada ka tirsani ku tageen Gobolka Sool socdaalkan Waftiga Wasiirada ah oo Magacyo badan oo soo dhawayn ah ay ku qaabileen Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool waxaa ka mid ahaa Saxar tire, Samo wade,Sinaan wade .

Maalin ku taariiriikhaysan 30/5/2016 ayay Waftigan Wasiiro iyo Xilldhibaano ahi socdaal ku tageen Gobolada Bari ee S/land ,Waftiga oo ujeedada safarkoodo daarnaa in ay ka qayb galaan Munaasibada Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini iyo u kuur galida Nolosha Dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan Gobolka Sool, Mashaariicda dhamaatay oo xadhiga lagu jaro laguna wareejo Masuuliyiinta Heer Dagmo iyo heer Gobol ,Dardar galinta, Masuuliyiinta Dawlada ee ku sugan Gobolka Sool , Waftigan oo ka koobnaa Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe,Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan ,Wasiirka Wasaarada Dib udajinta Cali Siciid , Wasiirka Nabadaynta iyo Horomarinta Gobolada Bari C/rashiid iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay dhamaan ujeedooyinkii uu Safarkoodu daarnaa .

Ugu horayna waxuu Waftigu Deegaanka Adhi Cadeeye kaga qayb galay Caleemo saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini iyadoo Munaasibadii Caleemo saarka uu ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo Weedho Mug iyo Miisaan leh oo soo jiitay dhamaan Martidii ka soo qayb gashay ka jeediyay Xafladii Caleemo Saarka Suldaanka Beesha Fiqi Shini .

Caleemo Saarka Suldaanka ka dib waxay Waftigii Wasiirada iyo Xilldhibaanadu gudo galeen ujeedooyinkii Socdaalkoodo daarnaa iyagoo soo maray Deegaanka balaadhan ee ka kooban yahay Gobolka Sool iyadoo Waftiga Wasiirada ka koobnaa ay dhamaan deegaanadii ay soo mareen kala kulmeen soo dhawayn balaadhan iyadoo Bulshada Reer Sool ku soo dhawaysay Wasiirada Qalbi furan oo Niyad wanaag iyo Wadaniyadi ku dheehantahay .

Sidoo kale Waftiga Wasiirada oo ay wahiliyaan Xilldhibaano Golaha Wakiilada waxay xadhiga ka jareen Mashaariic tiro badan oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka fulisay Dagmooyinka Xudun iyo Taleex ee Gobolka Sool iyadoo dhamaan Mashaariicdaa lagu wareejay Masuuliyiinta ku shaqda leh ee ka Hawl gala Gobolka Sool,

Sidoo kale Waftiga Shanta Wasiir ka koobnaa ayaa si qoto dheer ugu kuur galay tabashooyinka isla markaana si mugleh uga dhagaystay Masuuliyiinta , Madaxdhaqmeedka ,Waxgaradka ,Haweenka ,Aqoonyahanka ku dhaqan Gobolka Sool iyagoo Waftiga Wasiiradu ka garaabay tabashooyinkaa jira isla markaana balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan uga soo jawaabi doonaan .

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka dareen celiyay tabashadaa ayaa u sheegay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sool in ayna suuro gal ahayn in Gobolada S/land qaybi badhaahe ku noolaato qaybina ayna ku noolaan mar uu ka hadlay arintaa Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxuu yidhi Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sool Dad ahaan iyo Dhul ahaanba waa S/land waxaan wadaagnaa Wada dhalasho soo jireen ah Xaqna waxaad u leedihiin in aad qaytiina heshaan Horomarinta Adeegyada Danta Guud balse Nolosho waa Nabad waxaanan idinku guubaabinayaa in aad Nabada la ilaashado oo dhinac laga wada joogsado wax kasta oo Nabada waxyeelaya .

Sidoo kale Waftiga Wasiirada iyo Xildhibaanadu waxay Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ku guubaabiyeen in ay isdiiwaan galiyaan oo ay gutaan xaqa ay u leeyihiin in ay Codeeyaan arintaa mar uu ka hadlay Xildhibaan Saleemaan Cali Koore Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Soolku guubaabiyay in ay Isdiiwaan galiyaan oo qaataan Kaadhka Codaynta waxaanu yidhi hadii aad isdiiwaan galisaan Weedhayadu waxay noqon doontaa mid miisaan leh oo wax idin tarta waxna inoo soo goysa .

Isku soo wada duuboo waxay Indheer garadka Arimaha Siyaasada u kuur gala Mucaaridka iyo Muxaafidka ahi ka marag kacayaan in Wasiir Maxamuud Xaashi isbadalo balaadhan iyo dardar galin xoogan ku soo kordhiyay Wasaarada Madaxtooyada oo Laf dhabar u ah Hawlaha Baaxada leh ee ay qaranka u hayaan Wasaaradaha iyo Laamaha Dawladu .

Falanqaynta Qalin Maalka ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Sacadmx@hotmail.com