“Barcelona wali sooma bixin iyaguna way ogyihiin taas” – Diego Simeone

0
590

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ka hadlay guul daradii xalay ka soo gaartay kooxda Barcelona.

Diego Simeone ayaa sheegay in kooxdiisu ay wali haysato fursad ay ku gaari karto Final-ka koobka boqorka Spain inkasta oo xalay looga soo adkaaday 2-1.

46 jirkaan ayaa la dhacay qaab ciyaareedkii kooxdiisa ee qaybtii labaad ee ciyaarta, wuxuuna intaa ku daray in ciyaartoyda Barcelona ay ogyihiin in ciyaartu aysan wali dhamaanin.

“Waxaan haysanaa fursad aan ku gaari karno Final-ka, si ay taasi u dhacdo ayaanan u ciyaari doonaa, Barcelona sifiican ayeey u ogyihiin in ciyaartu aysan wali dhamaan” ayuu yiri Diego Simeone.

“Hadalka la isku dhaho qolka labiska waa mid aan soo dhaafayn halkaas, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay wixii aan soo bandhignay qaybtii labaad, waxaan rajaynayaa in sidaas oo kale aan u ciyaari doono kulanka Leganes”.