XOG: Martin Caceres oo Talyaaniga soo gaarey si uu caafimaadka ugu maro AC Milan

0
454

Martin Caceres ayaa soo caga dhigtay Talyaaniga isagoo berri caafimaadka u maraya kooxda AC Milan, oo u diyaarinaysa qandaraas 4 bilood ah.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Uruguay ayaan haatan cidna qandaraas kula jirin kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisii Juventus, bishii Luulyo 2016, wuxuuna qarka u saarraa inuu ku biiro dhowr kooxood oo ay ku jiraan Fiorentina iyo Crystal Palace, balse labadaa dhaqaaqba way fashilmeen. Waxaa loo aaneeyay laacibka oo gunno badan dalbanaya.

Hadda Sky Sport Italia ayaa sheegaya in Caceres uu yimi Talyaaniga isagoo caawa la cashayn doona Adriano Galliani si uu berriba caafimaadka ugu maro kooxda Milan.

SportItalia ayaa qoraya inay Milan laacibka siin doonto €400,000 oo bareemiyo lagu darayo, isagoo sidoo kale kasban kara qandaraas sanad kale haddii loo bego 29-jirkan.

AC Milan ayaa aad ugu baahan xoojin dhanka daafaca ah kaddib markii ay ka dhaawacmeen dadabyada Mattia De Sciglio, Davide Calabria iyo Luca Antonelli, waloow Caceres uusan kulan rasmi ah dheelin muddo sanad ku dhowaad ah, taasoo ka dhigan in ay ugu yaraan bil ku qaadan doonto inuu jir ahaan diyaar noqdo.

b