Didier Drogba oo markii 3-aad dib ugu soo laabanaya Chelsea

0
426

Halyeygii Chelsea Didier Drogba ayaa lagu wadaa inuu markii saddexaad dib ugu soo laabto gegada Stamford Bridge ee kooxda Chelsea sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Brazil.

Soo laabshada dhaliyaha reer Ivory Coast ma ahan micnaheeda inuu weerarka kala ciyaari doono Diego Costa ee markan waxaa lagu wadaa inuu dowr muhiim ah ka ciyaaro tababarka Blues.

38-jirka  ayaa maalmihii dhawaa si wayn lala xiriirinayay naadiga Corinthians ee ka dhisan Brazil.

Drogba ayaa aad ugu dhawaa inuu ku biiro naadigan iyadoo xitaa la iib geeyay maaliyadaha Drogba ee kooxda Corinthian.

Drogba-Corinthians shirts were already on sale in some Brazilian shops

Laakiin Drogba oo ku soo hadlay baraha bulshada isagoona sheegay inuu la hadlay madaxa naadiga reer Brazil isla markaana uga mahad celiyay xiisahooda una sheegay inuu dareemayo in waqtigan uusan ahayn mid ku haboon inuu u dhaqaaqo.

Wuxuu sidoo kale u mahad celiyay taageerayaasha naadigan isagoona u rajeeyay guul.

War sidaha Globo ee dalka Brazil ayaa qoray in diidmada Drogba ay la micno tahay inuu soo afjari karo waayihiisa ciyaareed isla markaana uu albaabada u furi doono sidii uu dowr uga ciyaari lahaa tababarka Chelsea.

Didier Drogba has turned down a deal to play for Corinthians – as he wants a third spell at Chelsea as a coach

Kal ciyaareedkii la soo dhaafay tababarihii ku meel gaarka Blues Guus Hiddink ayaa u soo bandhigay Drogba inuu ku xigeen u noqdo balse 38-jirka ayaa taa badelkeeda sii watay inuu ka ciyaaro horyaalka MLS gaar ahaan kooxda Montreal Impact.