Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sannad-guurada 33-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland.

0
94

Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sannad-guurada 33-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland.

Hargeysa-18-05-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan ay shacabka iyo ciidamada kala duwan ee qaranku ugu dabbaaldegayaan sannad-guurada 33-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada qarannimada Jamuuriyadda Somaliland oo ku beegnayd 18-kii bishii May sannadkii 1991-kii.

 

Munaasibaddan oo lagu qabtay fagaaraha weyn ee waddada wadnaha caasimadda Hargeysa, islamarkaana ay qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada, hay’adaha dawladda iyo ciidamada dalku kusoo bandhigayeen gaaddo-ka-ciyaar, gaadiid iyo hub casri ah, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud,  madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay xisbiga KULMIYE, guddoomiyaha iyo murrashaxa xisbiga WADDANI, Didblomaasiyiin iyo safiirro ka socda dalalka caalamka, talilyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Madax kala duwan iyo kumannaan shacab ah oo kusoo lebistay calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa indhahooda ku daawaday ciidamada kala duwan ee dalka oo xirfado heersare ah iyo gaaddo-ka-ciyaar soo jiidasho leh soo bandhigay, kuna gaashaannaa noocyada hubka culus, kuwaas oo farxad iyo rayn rayn ku qaabilay ciidamada.

 

Ururrada bulshada, waaxaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawladda Hoose ee Hargeysa, ardayda Jaamacadaha, kooxaha kubbadda cagta ee caasimadda ka dhisan ayaa iyaguna soo fagaaraha kusoo bandhigay waxyaabo kala duwan oo aad usoo jiitay shacabkii iyo madaxdii daawanaysay.

 

Ugu horrayn, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey sannad-guurada 33-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xorryaddoodda, waxana uu kula dardaarmay inay adkaystaan midnimadooda.

 

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa talooyin iyo waanooyin dhaxalgal ah usoo jeediyey siyaasiyiin ku loollamaya hoggaaminta, axsaabta iyo ururrada siyaasadda, waxana uu usoo jeediyey inay dhegaha shacabka ka dheereeyaan weedhaha qabyaaladda xambaarsan, soona bandhigaan Barnaamijyo siyaasadeed oo shacabka soo jiita.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo salaan Sharaf ka qaatay cutubyadii fagaaraha marayey, ayaa hambalyeeyey qaybaha ay ciidanku ka kooban yihiin, iyo shacabka sida xamaasadda iyo waddaniyadda leh ugu dabbaaldegay xuska maalinta dib ula soo noqoshada xorriyadda.

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday sidii ay ku timi xorriyadda iyo dawladnimada Somaliland, dulmigii lagaga falceliyey jibbadii Soomaaliyweynimo ee ay hormuudka u noqotay iyo caddaalad-darradii lagu sameeyey.

 

Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ayuu madaxweynuhu si weyn ugu ammaanay dedaalkooda naf-hurnimada leh ee ay qarankooda la garab taagan yihiin, waxana uu caddeeyey inay ka mid yihiin tiirarka waaweyn ee qarankani ku taagan yahay.

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ah, gaar ahaan xisbiga WADDANI ugu baaqay inay doorashooyinka sannadkan qorshaysan si niyad ah oo badhax-tiran u galaan, natiijadana u hoggaansamaan, kana dheeraadaan waxa kasta oo  midnimada shacabka wiiqaya.