ITALY VS URUGUAY: Talyaaniga oo Nice ku wajahaya Uruguay kulan u muuqda mid lagusoo celiyo Mario Balotelli!

0
387

Talyaaniga ayaa markale ciyaar saaxiibtinimo ku wajahaysa dalka Uruguay 7-da bisha Juun iyadoo kula ballansan gegada Allianz Riviera ee magaalada Nice, halkaasoo uu ka dheelo kooxda Mario Balotelli, iyadoo uu qorshuhuba u eg yahay qaab xulka dib Azzurri loogu soo dhowaynayo SuperMario.

Laacibkan ayaa dib ugusoo kabtay horyaalka Ligue 1, isagoo dhaliyay 11 gool 16 kulan oo rasmi ah oo uu u saftay Nice, waloow uu 26-jirkan oo 33 kulan u saftay Talyaanigu uu xulka Nazionale ka maqnaa tan iyo dhamaadkii Koobkii Adduunka 2014.

Xiriirka FIGC ayaa xaqiijiyay inay xagaaga wajihi doonaan xulka Edinson Cavani ee Uruguay, oo ah xul ay Talyaanigu ku dhibtoodaan, iyagoo KA2014 soo reebay, taasoo mid ka ahayd 4 guuldarro oo ay Talyaanigu kala kulmeen, 4 jeer waa barbarro, 2 jeer oo qurana waxaa badiyay Talyaaniga.

KA2014 ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay shilkii caanka baxay ee uu Luis Suarez garabka kaga qaniiney Giorgio Chiellini, taasoo uu ka ilduufay garsooruhu.

Talyaaniga ayaan Nice ku ciyaarin tan iyo kulankii ay 2-2 kula noqden xulka Austria bishii Agoosto 2008.

b