Buuhoodle Oo Marti Galinaya Shirweyne Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle Yeelanayaan iyo Dareennada Ku Xeeran

0
528

Buuhoodle Oo Marti Galinaya Shirweyne Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle Yeelanayaan iyo Dareennada Ku Xeeran
Buuhoodle(Warsugan) Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Buuhoodle, ayaa shalay iclaamiyay marti galinta shirweyne ay yeelanayaan labeenta degaannada Sool, Buuhoodle iyo qaybo gobolka Sanaag ka mid ah. Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid ku saabsan aayaha dhinaca siyaasadda ee bulshada Dhulbahante, waxaana la rumaysan yahay inay ka qayb gali doonaan Garaadada, Boqorada, Salaadiinta, cuqaasha iyo siyaasiyiinta Beelahaasi.

Shirkan oo la rajaynayo inuu qabsoomo 15-ka bishan waxaa hore loogu go’aamiyay shir madaxda dhaqanka ugu saraysa ee gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag ku dhexmaray degmada Higlada ee gobolka Sool 15-kii bishii hore, kaasi oo lagu iclaamiyay in shirweynaha Buuhoodle lagaga arrinsanayo midnimada siyaasadeed ee bulshadaasi. Waxaa kulankaasi hore laga sheegay in tafaraaruq siyaasadeed jiro, sidaasi darteedna la midaynayo haldoorka bulshadaasi, si siyaasadoodu ugu biyo shubato hal meel.

Caaqil Cali Cabdi(Cali Dahable) ayaa shalay saxaafadda u akhriyay go’aammo ka soo baxay kulan ay Buuhoodle ku yeesheen cuqaasha iyo waxgaradka degaanku “Waxaanu si buuxda u soo dhaweynaynaa shirkii ay Ismadu yeesheen ee ay ku baaqeen shirweyne Beeshu kaga tashato aayaheeda. Shirkaas oo ay gogoshiisa soo xambaareen Ismada gobolka Buuhoodle, gogoshaas waanu aqbalay, waxaanu diyaar u nahay inaanu shirkaas gogoshiisa qaabilno soona dhaweynno.taasina waa aqbalaadii ay naga sugayeen Dhulbahanta weyne,” ayuu yidhi Caaqilku.

Odayaasha Buuhoodle waxay ugu baaqeen qaybaha ay khusayso inay shirkaasi ka soo qayb galaan, iyagoo sheegay in talada shirkaas ka soo baxdaa noqon doonto mid bulshadaasi ku go’aan qaadato, inta ka horaysana aanay jirin cid talo ku metelaysa ama sheegan karta masiirkooda.Waxay sheegeen in shirkaasi noqon doono mid midha dhala oo mustaqbalka siyaasadeed ee beeshaasi go’aamiya.

Dawladda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dadaal ku saabsan sidii bulshadaasi uga mid noqon lahayd Somaliland inteeda kale, arrimahaasi oo laga gaadhay guullo hordhac ah. lama oga in xukumaddu si dhaw ula socoto ama saamayn ku leedahay shirkaasi balse waa mid la filayo in lagu go’aamiyo taladii bulshadaasi la iman lahayd shirka Burco ee madaxweynaha Somaliland hore u go’aamiyay in bulshada reer Sool iyo xukumaddu kaga doodaan tabashada jirta, islamarkaana loogu tabaaabushaysto doorashooyin ka dhaca gobollada bari iyo maamulka oo bulshadaasi qayb ka noqoto.

Xigasho Wargeyska Warsugan