“Markuu Mashruuc Yimaado In Cidla Uun Laga Qayliyo Oo Inta Aan Wanaaga Jecel Iyo Inta Aan Horumarka Jeclaynini Ay Iska Qayliyaan Ee Danaha Gaarka Ah Lihi Looma Baahna”

0
413
????????????????????????????????????

“Markuu Mashruuc Yimaado In Cidla Uun Laga Qayliyo Oo Inta Aan Wanaaga Jecel Iyo Inta Aan Horumarka Jeclaynini Ay Iska Qayliyaan Ee Danaha Gaarka Ah Lihi Looma Baahna”
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Soo kormeeray Mashruuca Biyo-Xidheenka XUMBO-WEYNE.
Hargeysa (Warsugan) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaana ah ku simaha madaxweynaha ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay mashuruuca biyo xidheenka Xumo Weyne ee degmada Laas-geel. Mashruucan oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka socday degaanka Xumo Weyne ee degmada Laas-geel.

Kormeerka ku simaha madaxweynaha waxaa ka hadashay madaxtooyadda, isla markaana ka soo saartay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyaddu mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), waxaana lagu yidhi “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isla markaana ah ku-simaha Madaxweynaha JSL ayaa maanta (08-10-2016) kormeer-hawleed ku tagay Mashruuca Biyo-Xidheenka XUMBO-WEYNE ee degmada Laas-Geel. Muddadii uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku jiray kormeerka hawleed waxa uu war-bixin iyo faah-faahinba ka dhegaystay Agaasimaha Guud, Ingineerrada iyo farsamo-yaqaannada Shirkadda CONSER oo ah hay’adda u xil saaran fulinta dhismaha iyo dhammaystirka Mashruucan Biyo-Xidheenka XUMBO-WEYNE. Mashruucan oo run ahaantii faa’iidooyin badan u leh Dadka, Duunyada iyo Degaankaba waxa gebi ahaanba maal-gelinaysa Hay’adda Khayriga ah ee KHALIFA BIN ZAYED AL NAHYAN FOUNDATION oo laga leeyahay Dalka Midawga Imaaraatka Carabta (UAE).

Agaasimaha Guud ee Shirkadda CONSER Eng. Harun oo munaasibaddan awgeed dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si qoto dheer uga xog warramay qalabka (materials), mishiinnada waa-weyn (heavy duty machines) iyo shaybaadhada lagu baadho tayada shubka (reinforced concrete laboratories) ee ay Shirkaddiisu dalka la timid, kuwaasi oo noocoodu aanu dalka hore u oolin. Agaasimaha Guud ee Shirkadda CONSER wuxuu sheegay in goobta laga dhisayo Biyo-Xidheenka XUMBO-WEYNE ay tahay meel Ilaahay ku manaystay wax-yaabibihii ugu muhiimsanaa ee lagama maarmaanka u ahaa Dhismaha Dhaamka. Eng. Harun wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Dhagaxa iyo Ciidda taalla bugcadan ay yihiin kuwo ay tayadoodu aad u sarrayso oo aad ugu habboon shubka iyo sibidhka lagu dhisayo Dhaamka, taasina ay dedejin karto dhammaystirka Mashruucan Biyo-Xidheenka. Masuulkani wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Mashruucani uu dhammaystirmo ilaa bisha April ee 2017-ka, haddii Allah Idmo.

Madaxweyne-ku-xigeenka waxa weftigiisa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru-Dawlaha Qorshaynta, Wasiiru-Dawlaha Biyaha, Duqa Caasimadda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Munaasabad kooban oo ay masuuliyiinta degaanku ku soo dhaweynayeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisa ayaa waxaa hadallo kooban ka soo jeediyey masuuliyiin dhawr ah kuwaasoo dhammaantoodba hoosta ka xariiqay faa’iidada uu mashruucani u leeyahay Dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshadu ay taageeraan isla markaana ay ka faa’iidaystaan mashaariicda horumarinta ee ay Xukuumaddu ku horumarinayso adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada.

Geba-gabadii booqasho-hawleedkii uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku tagay Mashruuca Biyo-Xidheenka XUMBO-WEYNE ee degmada Laas-Geel, waxa ka uu yidhi “Runtii waxa maanta farxad noo ah in aanu soo kormeerno ama in aanu soo booqano, mashruucii koowaad ee noociisa ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fuliyo oo ah mashruuc biyo xidheen ah oo inbadan ummadda reer Somaliland ku hamiyeysay, in la qabto biyaha faraha badan leh ee badda gala, waxanan aad iyo aad ugu farxsanahay mashruucan oo dhawr bilood ka hor uu dhagax dhigay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay isbedelka durba ka muuqda halkan, waxanan marka hore u mahadnaqayaa bulshada degaanka Laas-geel sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen mashruuca ama ay u ilaaliyeen ee ay ula shaqeeyeen shirkada waana mida dhamaantood looga baahan yahay shacbiga Somaliland oo dhan in mashaariicda horumarinta la soo dhaweeyo, danteenaa ku jirta, horumarkeenaa ku jira, markuu mashruuc yimaado in cidla uun laga qayliyo oo inta aan wanaaga jecel iyo inta aan horumarka jeclaynini ay iska qayliyaan ee danaha gaarka ah lihi looma baahna waxa aanu hadh iyo habeen hadii aanu nahay madaxdii qaran aanu heegan u nahay, in dalkan horumar balaadhan la gaadhsiiyo isbedel badan laga sameeyo, kaasaa koow ah isbedeladii waanu socon doonaa insha Allaah, qaybta labaad ee dhaamkanina waxa laga hirgelindoonaa insha Allaah Gobolka Laascaanood sidaa la sheegay oo runtii isna biyaha aad iyo aad dhibaato ugu qaba oo wax ka tari doonta baahidiisa biyood, sidaasi ayaa insha Allaa gobolada kalena loo gaadhsiin doonaa.

Shirkadan iyo shirkadaha kale ee danta loo arko inay dadka iyo dalka wax u qabanayaan in la soo dhaweeyo ayaa loo baahan yahay, hay’adan aad ayana ugu mahadnaqaynaa sida dhakhsaha leh ee ay hawsha intaa leeg u qabatay iyadoo weliba xili roobad ah wakhti badana uu ka qaatay, iyo sida ay hawshan u dhaqaajiyeen oo aan ku hambalyeynayno runtii, waanad ku mahadsan tihiin deegaanka sida wanaagsan eed ula shaqayseen hay’ada, wanan ku faraxsanahay in aanu aragno shaqadii shalay dhagaxa la dhigay oo si wanaagsan u socota, waanad mahadsantihiin dhamaantiin”

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Xigasho Wargeyska Warsugan