“Cabdiraxmaan [Cirro) Wuu Ka Booday Dadka Runta Uma Sheego Ee Been Ayuu Sheega Markhaatina Idinka Ayaa Ka Ah Waa Ninkii Yidhi Gobol Ayaan Idin Siinaya” Xil. Ibraahim Kacaan

0
311

“Cabdiraxmaan [Cirro) Wuu Ka Booday Dadka Runta Uma Sheego Ee Been Ayuu Sheega Markhaatina Idinka Ayaa Ka Ah Waa Ninkii Yidhi Gobol Ayaan Idin Siinaya” Xil. Ibraahim Kacaan

“Hargeysa sheegato iyo kuwa aynu sheegano waxa oodhan halkan ayaa u noqonaysa magaalo madax waayo tan ayaa A (heerka koowaad) ah inaga ayaa xukumayna ilaa Dacar-budhuq” Xil. Ibraahim

Hargeysa (Warsugan) Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka hadlay goob fagaare ah ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbiga WADDANI yahay nin aan ka soo xaadirin shaqadii golaha wakiilada isla markaana ku mashquulsan arrimo la xidhiidha beesha caalamka iyo deeq-bixiyaasha, waxaanu sidoo kale sheegay in Cabdiraxmaan Cirro yahay nin aan ka run sheegin odhaahdiisa.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ayaa sidoo kale ka hadlay gobolnimada gobolka Gabiley iyo doorka looga baahan yahay cid kasta oo ka soo jeeda gobolka inay xil iska saarto sidii loo heli lahaa gobol la meel mariyoe, isaga oo gobolka Gabiley arrintaasi la qabo gobolada kale ee Somaliland.

Xildhibaanka oo ugu horayn ka hadlayey shaqooyinka uu dayacay gudoomiyaha WADDANI ayaa yidhi ‘Ninka inala tartamaya waa gudoomiyaha WADDANI aniga waa gudoomiyahaga golaha wakiilada xaqiiq ayaan idiin sheegaya ee ma dacayadanayo 82-kii (Xildhibaan) ayuu wadi kari waayey magaaladu ayuu jooga ma soo shaqo tago waa xaqiiqo jirta waar bal kaalay na hogaami ayaanu ugu taag weynay waxa uu qabto garan mayno, beesha caalamka, deeq bixiyaasha ayaa sidaas yidhiyo waxaas ayuu ku mashquul yahay wixii danta dalka ahaa iyo dadnta dadka Cabdiraxmaan uu ka booday dadka runta uma sheego ee been ayuu sheega markhaatina idinka ayaa ka ah ninkii yidhi gobol ayaan idin siinaya weeye isaga oo aan waxba ina siin karin; maalin kaliya muu odhan sidii Gabiley gobolka u heli lahayd”

“Salel waxay leedahay xildhibaano, oodweyne waxay leedahay xildhibaano kolka aad soo qaado Gabiley nin walba ceesaantiisa ayuu meesha keenaya halkaa muran ayaa ka bilaabma waana nalaga bataa waxaanu markaa is nidhi meel kale uga wareega, halka aanu uga wareegnay waxa weeyaan in magaalo madaxdii Hargeysa caasimadeedii qaybteedii la siiyo oo loo ictiraafo caasimad, haddii caasimad ahaan loo ictiraafo oo taasi ay marto gobolkii Maroodi-jeex oodhan wuxuu u soo guuraya Gabiley baryo la’aan”
Maayarka waan kala hadlay waxay u baahan tahay in aynu yara dadaalno oo aynu olole samayno oo aynu ka dhex kalluumaysano golaha laftiisa maaha in halkan la fadhiyo oo la yidhaahdo gobol ayaanu doonaynaa, waxay ila tahay Hargeysa aynu iska dhaafino meesha, haddii xeerkaa caasimada aynu ku guulaysano Gabiley gobolnimadeenu waa geed ka go’an baryo ma leh lixda degmo ee Hargeysa sheegato iyo kuwa aynu sheegano waxa oodhan halkan ayaa u noqonaysa magaalo madax waayo tan ayaa A (heerka koowaad) ah inaga ayaa xukumayna ilaa Dacar-budhuq”

Xigasho Wargeyska Warsugan