10- Dabeecadood Oo Ku Diidi Kara Inaad Guul Gaadho!

0
320

10- Dabeecadood Oo Ku Diidi Kara Inaad Guul Gaadho!
Hargeysa(WSN)Dadka leh dabeecadaha hoos ku xusan ma noqdaan kuwo guul ka gaadha shaqada iyo ganacsiga, maadaama ay yihiin dabeecado qofka ka hor istaaga in uu nolosha horumar ka sameeyo. Hadaba qiimeyn ku samee naftaada haddii aad 10-kan dabaceedood qaar ka mid ah leedahay waa in aad bilowdaa sidii aad isaga reebi lahayd.

1 – Waad hami weyn tahay – Waxaad leedahay gool aan caqliga galayn oo waxaad doonaysaa in aad samayso waxyaabo aan macquul ahayn ama aad u adag. Tani waxay noqonaysaa mid wakhtiga kaa qaada inta aad ku hamiyeyso in aad gaadho waxyaabo aan suuro gal ahayn.
2 – Qaladaadka waxaad u aragtaa fashil – Haddii qof kale uu sameeyo waxyaabo ka wanaagsan mida adigu aad hayso, waxaad isu aragtaa in aad fashilantay, sidoo kale waad qarisaa khaladkaaga adiga oo ka cabsanaya in aad ceebowdo. Ma tihid mid qaladkiisa qirta oo cashar ka qaata.
3 – Naftaada kuma qanacsanid – khaasatan marka aad qalad samayso kor isuma qaadid ee waxaad eedeysaa naftaada iyo adiga oo aan lahayn kalsooni aad wax ku qabato maadaama aadan is aaminsanayn.
4 – Waxaad ka cabsataa khataraha – Oo haddi aad samayso waxyaabo khatar leh waxaad ka cabsanaysaa in aad ku fashilanto, waliba adiga oo ay kaa maqantahay kalsoonidii aad ku guuleysan lahayd, sidaa darteed ayaad jeceshahay in aad ka dheeraato waxyaabaha khataruhu ka imaan karaan sida in aad ganacsi abuurto ama aad loolan gasho.
5 – Waxay kaaga dhegantahay midhaha – Kuma raaxaysatid in aad wax cusub barato ama aad gasho loolan xiiso leh oo aad wax cusub tijaabiso. Maadaama ay kaaga dhagantahay in aad natiijo gaadho.
6 – Waxkasta 100% ayaad jeceshahay – Waxaad tahay mid jecel in waxkasta ay yihiin 100% oo haddii taasi la waayo dareemaya in fashil ay tahay hawshaada.
7 – Uma adkaysan kartid dhaliisha – Maadaama aad tahay qof aad u qiimeeya fikradaha dadka kale, hadana waxaad tahay mid aan aqbali karin oo aan u adkaysan karin marka laguu soo jeediyo dhaliil ama la dhaliilo shaqada aad qabatay.
8 – Dadka kula shaqeeya ayaad cadaadis saartaa – Waxaad doonaysaa in qofkasta uu sida adigu aad wax u samayso ay u sameeyaan, oo haddii aanay wax u qaban sida aad doonayso laga yaaba mararka qaar in aanay macquul ahayn, ayaad eedaysaa dadka kula shaqeeya. Tani ayaa keenaysa in xidhiidhka idinka dhexeeya dadka kale uu liito.
9 – Shaqada ma qeybisid – Maadaama aad doonayso in waxkasta 100% ay noqdaan isla markana aad ka cabsi qabto fashilka, ma aamin sanid dadka kale in ay shaqada si fiican u qaban karaan oo waxaad doonaysaa in waxkasta adigu aad dusha saarato.
10 – Waad wahsataa – Maadaama aad doonayso in waxkasta loo qabto si heer sare ah ayaad noqotaa mid wahsanaya maadaama aad aaminsan tahay in aad 100% wax u qabato ama aadan waxba qaban. Tani oo keenaysa in aad fashilanto.
Marka aad fahanto 10-kan dabaceedadood iyo sida ay xidhiidhka u leeyihiin waxaad dareemaysa in haddii qaar ka mid ah dabeecadahan aad leedahay in ay sabab u noqonayaan in aad kuwo kalena yeelato maadaama mid-ba-ay mid kale kuu dhiibayso.