3 Xaaladood oo qofka u horseedi karta in uu ka hortago Caajisnimada!

0
600

3 Xaaladood oo qofka u horseedi karta in uu ka hortago Caajisnimada!

Hargeysa(WSN)1- Ugu’ horrayn waxaa habboon qofku in uu joojiyo marwaliba in uu wakhtiga ka dhigto marmarsiiyo ( cudurdaar) maxaayeelay waxaa inta badan dhacda qofku marku doonayo in uu mas’uuliyad qaato waxa uu iskudayaa in uu eeda dusha ka saaro wakhtiga, waxaa iska caadi ah qofku in uu yidhaahdo.” Wakhtiga ayaa igu yar, Wakhti uma hayo,” Dabcan wakhtigu wuu kugu yaraan karaa balse waa hadba sidaad adigu u maarayso wakhtigaaga, Dunidu ma’ jirto cid 25 saacadood haysata dadka oo idil waxa ay haystaan 24 saacadood waxaase lagu kala horumaray hadba sida uu qof waliba u maareeyo 24-kiisa saacadood.
Xaqiiqdii waxaa habboon halkii aan wakhtiga marmarsiiyo ka dhigan lahayn in aan anagu mas’uuliyada qaadno waayo wakhtigu waa cadaalad cidna uma eexdo cidna kama eexdo balse fursadaha wakhtiga waxaa loo kala faa’iidaystaa hadba sidii loo kala dadaal badan yahay ee yaan lagaa dadaal badnaan.

Mideeda kale qofku waa in uu iswaydiiyaa: Noolashaydu miyay leedahay Jadwal wakhtiyaysan oo aan raaco, Mise waxaan ahay qof maalin waliba ku soo toosa wixii ka horyimaada in uu qabto ?. Wakhtigayga ma u isticmaalaa hadba siday arrimuhu u kala qiima badan yihiin, Mise wixii aan arko ayaan sameeyaa ?
2- Waa in qofku uu ka taxadiraa go’aamada uu qaadanayo xilliga uu xamaasadaysan yahay waayo inta badan waxaa dhacda muddo gaaban gudohood in uu qofkii ka caajiso, Sababtuna waxa ay tahay qofku markuu xamaasadaysan yahay waxaa sahlan in uu go’aan qaato isagoo aan ka fikirayn natiijada siday u ekaan doonto iyo awooda uu u leeyahay in uu ku fuliyo go’aanka uu qaadanayo,
Sidaa awgeed muddo gaaban gudohood qofkii waxaa u soo baxaysa dhowr arrimood oo u baahanayd in uu is waydiiyo kahor inta aanu go’aanka qaadan, ugudambayntiina waxayba caqabad ku noqdaan in uu ka guul gaadho go’aankii uu qaatay kadibna waxaaba dhacda in uu ka hare wixii uu hiigsanayay.
Hadaba si’ aanay taa u dhicin marka hore waa in aad noqotaa qof aragti fog leh taasi waxa ay kuu sahlaysaa go’aamada aad qaadanayso in ay noqdaan kuwa ulajeeddo dhab ah ay ka dambayso oo aan ahayn kuwa xamaasad uun ku dhisan oo mudo gaaban gudohaad laga caajiso.

Sidoo kale Arimaha ukala qaad siday ukala fudud yihiin, waa in aadan naftaada culays ku saarin wax aanay awoodin waxaadna ogaataa waxyar oo aad si wanaagsan u qabato misana aad joogtayso ayaa ka wanaagsan in aad naftaada ku qasabto wax aanay awoodin oo ay suurtagal tahay muddo gaaban gudohood in aad ka caajisto.

3- Waxa uu qofku u baahan yahay in aanu xaqirin naftiisa waayo caajisnimadu waxa ay qofka ku timaadaa kadib markuu ka wahsado wax uu awoodi karayo in uu qabto. Waxaa kaloo iyadana muhiim ah qofku in aanu naftiisa ka dhaadhicin fikradaha khaldan, Hadii ay noqon lahayd in uu ku dhawaaqo inuu yidhaahdo
” Waxay ila tahay in aan qaban karin, Waxaan ahay qof caajis ah amaba waxaan noqday ruux caajis ah iwm ” Amaba in uu hoos isugu sheego in wax waliba ay yihiin wax adag oo aan la qaban karin, isku soowada-duub fikradaha khaldan oo aad naftaada ka dhaadhiciso waxay saamayn ku yeeshaan sida ay nolashaada u ekaanayso, Waxaa kaloo hubaal ah qofba hankiisu inta uu la egyahay unbay hanashadiisuna noqotaa, hadii aad si wayn u fikirto wax wayn un baad rajayn kartaa hadiise aad si hoose u fikirto wax hoose un baad sugaysaa.