Culimada Waa Weyn Ee Ehlu-Sunna Wal-jamaaca Oo Dhaliil Culus Usoo Jeedisay Wasaaradaha Diin Iyo Aw-qaafta iyo Arimaha Gudaha

0
606

Culimada Waa Weyn Ee Ehlu-Sunna Wal-jamaaca Oo Dhaliil Culus Usoo Jeedisay Wasaaradaha Diin Iyo Aw-qaafta iyo Arimaha Gudaha

Hargeysa(Warsugannews)- Qaar kamida Culimada waa-weyn ee Ehlu-Sunna Wal-jamaaca oo maanta warbaahinta ku hadlaayey Caasimada Hargeysa ayaa waxa ay kaga hadleen arimo dhawra oo la xidhiidha ku dhaqanka diinta islaamka iyo sida loogu baahan yahay in dib u habayn balaadhan loogu sameeyo qaabka ay hada u shaqayso Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland iyo iyagoo sidoo kalena Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ku dhaliilay Inuu ka gaabiyey masuuliyadii uu qaranka u hayey iyagoo isla markaasina ku eedeeyey inuu ka baxay balamo badan oo uu la lahaa Culimada

Ugu horayn Sheekh Sayid Maxamed Sayid C/laahi oo goobta ka hadlay ayaa isaga oo arimahaasi ka hadlaaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay”waxan maanta halkan kaga hadlayaa arimo dhawra oo ku saabsan arimaha diinta gaar ahaan dhaliilo baahsan ooWasaarada Diinta iyo Aw-Qaaftu usoo jiiday Xukuumada talada haysaa dhaliilahaas oo ay ugu daran yihiin Mad-habkii Shaaficiya ee dalkeena lagaga dhaqmaayey ilaa intii diinta islaamku soo gaadhay oo intii xukuumadani jirtay la dhinac maray iyadoo sidoo kalena aan si saxa loogu dhaqin dhinaca shareecada guud ahaan dalka gaar ahaana Madaariska iyo Masaajidada dalka kuyaala kuwaasoo aad arkayso iyadoo ninba sida uu doono ugu jihaynaayo isla markaasina ay faraha ka baxday maamulkii iyo xakamayntii Wasaarada Diinta ee ku shaqada lahayd oo guud ahaanba ka seexatay xilkeedii iyadoo masuuliyiinteediina ku masquuleen waxyaabo kale oo aan qaranku u diran taas oo aan halkan uga soo jeedinaayo Madaxweynaha Qarankani talada u doortay in uu sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabto arimahan oo dhaliishoodu isaga dul hoganayso hadii aanu degdeg wax uga qaban “

Dhinaca kale Culimada Ehlu-Sunna Wal-jamaaca waxa ay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ku eedeeyeen inuu kaga baxay balamo badan oo uu la lahaa iyagoo isla markaasina usoo jeediyey inuu si saxa u guto waajibaadka xilka uu qaranka u hayo

Dhanka kale waxa ay Culimada Ehlu-Sunna Wal-jamaaca Madaxweynaha Somaliland usoojeediyeen in aanu xilalka Qaranka u dhiibin dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha xag-jirka ah isla markaasina aad looga ilaaliyo masuuliyada Ummadda inay gacanta u gasho dadkaas cadawga u ah nabada iyo jiritaanka Qarankaba

Gabagabadii ayaa Culimada Ehlu-Sunna Wal-jamaaca waxa ay bulshada usoo jeedisay in laga qayb-qaato sidii loo daryeeli lahaa guud ahaan Qubuuraha kuyaala dalka oo badi doodu daryeel la aan u dayacmay isla markaasina Bulshada usoojeedisay inay kala soo qayb-gasho Shir-wweyne baladhan oo laga hadli doono qodobo dhawra oo dhawaan Jimciyatul Axbaab ku qaban doonto Caasimada Hargeysa