SABABAHA SICIR-BARARKA: CASHUUR DADBAN “INDIRECT TAX”. WELI MIYAA MAQASHEEN DAHABSHIIL & SOMTEL OO KA QAYLINAAYA SICIR -BARAR & CASHUUR KORDHIN.‏

0
408

SABABAHA SICIR-BARARKA: CASHUUR DADBAN “INDIRECT TAX”. WELI MIYAA MAQASHEEN DAHABSHIIL & SOMTEL OO KA QAYLINAAYA SICIR -BARAR & CASHUUR KORDHIN.‏

Cashuurta Dadbani “ indirect Tax “ waa cashuurta la saaro alaabta ganacsiga ee laga soo dejiyo dekedaha sida bariiska, timirta, dharka, saliida iwm. Marka la kordhiyo Cashuurta dadban , ganacsadahu sicirku kordhiyaa, waxa dhaca sicir barar dhibtuna waxay gaadha saboolka.Xukuumada Somaliland waxay si isdaba-jooga u kordhisaa cashuuraha dadban.Waxa ugu danbeeyay cashuurta xad-dhaafka ee dhawaan la dulsaaray kontainerada oo kor-kacay 67%. Waxaa sii kordhi doona ,sicir-baraki loo xilsaary M/Xigeenka Mudane Saylici.
Hadaba, Xukumadaha garaadka lehi waxay kordhiyaan Cashurta Toosan “ Direct Tax”. Wa cashuurta toos looga qaado dhakhliga qofka & shariikdaha waawayn soo gala loona yaqaan “ Personal & Corporate Income Tax”. Markaa cashuurtaas la kordhiyo,waxay toos u damaqda maal-qabeenada iyo shirkadaha waawayn sida Dahabshiil, Telsom, Deero Group, Omar Group, Mansoor Hotel, Ambassador Hotel, Imperial Hotel , etc. Ganacasata waxay ku waajibiyaan inay sanadka dhamaadkiisa soo saaraan xisaab xidh “Audited Balance sheet & Income statement” , muujinyaa macaashka dhabta ah ee soo galay,isla markaana soo xeryaan cashuurta ku waajibtay. Haday bixin waayaan, waxa lala tiigsadaa Maxkamad.. Tusaale ahaan, dalalkani waxay ganacsatada ka qaadaan boqolayda macaashka “Net Profit “ : USA, 38% , Burundi 35%, Cameroon 39%; Gabon 35%; Japan 38%; Zambia 35%; UK 20%.
Hadaba , Lama oga dakhliga soo gala shirkadaha waawayn ee ka hawl gala Somaliland , qaabka ay cashuurta bixiyaan iyo qadarka laga qaado. Miyaa weli maqasheen Dahabshiil , Somtel , Deero & Omaar Group oo ka cabanaaya cashuur toos ah oo lagu kordhiyay “Direct Corporate tax “ . Miyaa weli maqasheen mulkiilayaasha Mansoor Hotel, Ambassador Hotel , Crown Hotel ,Star Hotel etc oo ka qaylinyaa ‘ Propert tax “ lagu kordhiyay,
GUNAANAD : Madaxwayne Ku-Xigeenka Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha & sicir-bararku. MADAXAWYNE Silaanyo waxa la gudboon :
1. Inuu dhimo cashuurta dadban “ Indirect Tax” ee ganacsatada lagaga qaado “Dekeda Berbera, siiba quutal-daruuriga , sida bariiska, sonkorta, daqiiqda dharka,qalabka dhismaha iwm.
2. In la kordhiyo cashuurta tooska ah “ Direct Tax” ee laga qaado shirkadaha waawayn, laNA ogaado dakhliga dhabta ah ee soo gala, laganu waajibiyo xisaab xidh sanadle ah “Annual Audited Fiancial Statements “
3. In la kordhiyo cashuurta laga qaado hantitda ma guuraanka ah ”property tax “ sida hodheelada waawayn iyo fooq-yada dhadheer ee laga dhistay hantida danyarta
Alla ha u naxariistee MARXUUM Qaasim yidhi ( 1964 )
Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee,
Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,
Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee,
Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee,
Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,
mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee,
mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee,
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee,

La soco qormada “LIXAAD ”
Drs. Hoodo Yyhoodo@yahoo.com