Dadweynaha Abdaal ilaa Berbera oo Taageero lagu Indho-daraandaray ku soo Dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo

0
498
????????????????????????????????????

Dadweynaha Abdaal ilaa Berbera oo Taageero lagu Indho-daraandaray ku soo Dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo

Murrashax Muuse oo ka hadlay ujeeddada socdaalka weftiga, kuna farxay cudduda hiil ee uu ka helay reer Saaxil

Berbera (Warsugannews)- Dadweynaha ku dhaqan degaannada Abdaal ilaa magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, ayaa taageero dhoollatus sababtay indho-daraandar ku soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha bilowga diiwaangelinta codbixiyayaasha ku tagay gobolkaasi maanta.

Weftiga KULMIYE oo ka kooban xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, wasiirro iyo saraakiil kale, waxay safarkooda ka bilaabeen degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil, halkaasi oo boqolaal qof oo ka mid ahi ay ku qaabileen bannaanka hore ee magaalada iyagoo hareeraha ka taxnaa jidka wayn ee laamida ah, isla markaana lulayey calanka caanka ah ee xisbiga KULMIYE.

Qaabilaadda reer Abdaal oo markii dambe isugu biyo-shubatay goob loo diyaariyey weftiga, ayaa masuuliyiinta iyo waxgaradka deegaanku hadallo ay ka jeediyeen ay ku cabbireen farxadda iyo jacaylka dadweynaha ku kellifay soo dhawaynta xisbal-xaakimka, gaar ahaana murrashaxiisa jagada madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.

Dhinacooda masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa dareen farxad iyo mahadcelin ah kaga jawaabay qaabillaada quruxda badan ee reer Abdaal ku taageereen oo ay ku tilmaameen mid muujinaysa sida shacabka reer Saaxil ugu hanka wayn yahay xisbal-xaakimka KULMIYE oo muddadii hore ee uu ka taliyey dalka waxqabad ballaaadhan fuliyey, isla markaana iminkana diyaar u ah in mar labaad la doorto si uu halkaasi uga sii wado waddada horumarka. Waxa kaloo ay uga xog-warrameen ujeeddada socdaalkooda ay u sheegeen inuu la xidhiidho wacyigelinta diiwaangelinta, waxaanay ugu baaqeen dadweynaha inay si buuxda uga qaybgalaan qaadashada kaadhka codbixinta.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyey reer Abdaal, waxa uu yidhi, “Reer Abdaal soo dhawaynta ay ka muuqato kalgacalka, xammaasadda iyo weliba ka farxinta faraha badan aad iyo aad baanu idiinka mahadnaqaynaa, dareenkiinnaanu ka arkaynaa soo dhawayntu siday tahay, waxaannu arkaynaa dadweyne cirroole, haween, dhallinyaro iyo carruur laga yaabo in qaarkood guryahoodii inay ka maqnaayeen muddo badan.”

“Waxaannu u soconnaa waa diiwaangelinta iyo in laga wada qaybqaato, dadkeennu waxay joogaan miyiga, deegaanku waa buuralay oo waddooyinku way innagu yar yihiin, markaa dadaal dheeraad ah baa la innaga rabaa dadka miyiga jooga sidii loo keeni lahaa goobaha diiwaangelinta, waayo dadka maanta la diiwaangeliyo ayuun baa berri codaynaya,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo weftigu soo dhawaymo diirran kala kulmay dadka ku dhaqan tuulooyinka Lafaruug iyo Xamaas oo iyaguna ku soo dhaweeyey qalbi-furan iyo caleemo-qoyan oo ay jidka laamida ah la safnaayeen.

Sidoo kale, shacabka ku nool magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si wayn uga farxiyey weftiga KULMIYE ee Guddoomiye Muuse Biixi, kuwaas oo kumanaan qof oo muujinayey baaxadda taageerada xisbal-xaakimka soo bandhigeen, isla markaana iyagoo wata boqolaal gaadiid ah iyo Fardo shaaximan kaga hortagay kaantaroolka dhanka galbeed ee Berbera, kadibna u galbiyey ilaa xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay badhtamaha magaalada oo loogu xafladeeyey dabbaaldegga dhoollatuska cududiisa taageero.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, Maayarka degmada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa hadallo kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen ku soo dhaweeyey weftiga madaxda xisbiga KULMIYE oo ay ku bogaadiyeen hawsha ay iska xilsaareen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo u riyaaqay cuddada hiilka u ah ee reer Berbera tuseen, ayaa kaga dareen-celiyey, “Reer Berberow maanta waxaad muujiseen ilbaxnimadii reer Saaxil, waxaad muujiseen soo dhawayntii la idinku yaqaanay, aad iyo aad baanu idiinka mahadcelinaynaa soo dhawaynta qiimaha leh ee aad noo samayseen.”

“Walaalayaal, dalka waxa ka jirta abaar kulul ee Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta innaga soo jebiyo, inuu dad iyo duunyaba inoo barakeeyo, in Ilaahay dadkeenna walaaleeyo oo wixii khilaaf dhexdooda ku jira uu ka saaro, waxaannu ku ducaynaynaa in dhammaanteen aynu u midowno horumarinta Somaliland, difaaca dalkeenna iyo korinta mustaqbalkiisa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.