DAKADA BERBERA HADAL UMA BAHNA EE HORUMAR AYAY U BAHAN TAHAY W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi (Xoogsade)

0
381

DAKADA BERBERA HADAL UMA BAHNA EE HORUMAR AYAY U BAHAN TAHAY W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi (Xoogsade)

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxay ka mid tahay magaalo-xeebeedyada qadiimka ah ee ku suntan taariikhda iyo xaddaaradda Mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan waxay Berbera caan ku tahay ganacsiga iyo isu-socodka geeska Afrika iyo wadamada Gacanka carabta
Magaalada Berbera oo muddo dheer calanka u sidda horumuudka marinka ganacsi iyo xaddaaradeed waxay muddo dheer hoy u ahayd quwado shisheeye oo ka soo talin jiray Mandaqadda, sida Ingiriiska, Maraykanka, Ruushka iyo dawladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiinta la odhan jiray, wakhtiganna loo yaqaanno Turkiga.

Dakada Berbera waa dadkada ugu wayn guud ahaan dakadaha somaliland waana halbwalaha dhaqalaha somaliland iyadoo ugu jirta qarankan halka uu wadnuhu ugu jira jidhka intiisa kale, dakada Berbera waxaa si rasmiya looo furay sanadkii 1968KII wakhtigaas oo uu gacanta ku hayay dalwaynihii midawga Soviet Union, waxaa marlabaad halkii ka si waday baladhinintii iyo casriyayntii dawlada USA sanadii 1984kii.

Waxaan dhawr qodob ku soo kobayaa bahida aan u qabno horumarinta dakada Berbera iyo sida aan ugu bahanahay wakhti xaadirkan:

1) Dakada Berbera waxay ahaan jirty dakadaha ugu horeeya gobolka balse 25kii sano ee ugu dambeyey waa la maal galiyey dakadihii kale ee gobolka ku yalay tusaale ahaan 2014 dakada Berbera waxaa ka sooo dagay 26256 kontinar, halka dakada Djibouti ay ka soo dageen 910165 kontinar inta ka soo dagtay dakada Djibouti waxay ka badan tahay inta ka soo dagtay dakada Berbera 35 jeer, isla sanadkaa waxaa waxaa dakadada Berbera ku soo xidhay 770 marakiib iyo doonyo isugu jira halka dakada Djibouti ay ku soo xidheen 1903 isugu jira marakib iyo doonyo waad arki kartaa farqiga u dhexeeya labada dakadood ee mar isku faca ahaa sidaa daradeed tartankii ay kaga jirty dakadaha gobolka way ka hadhay

2) Ugu yaraan 34 sano ee ugu dambeyey tirada dadkenu way laban laabmeen sidaa daradeed baahida aynu u qabno dakada Berbera ayaynan buuxin Karin iska daa inaan wadamada geeska ay wax kala soo dagaane

3) Addunyadu maalinba malinta ka dambaysa waa la sii casriyaynayaa alaabta lagu qaado noocyada badeecda kala duwan tusaale inagu waxaan wax ku soo raranaa waa kiish, saxaarad balse manta waxaa addunyada loo rogay koontinaro aad u xajmi waawayn sidaa darted dakadenu uma qalabaysana inay dajiyaan ama raraan kontinaradaa aadka u xajmiga waawayn

4) Wakhtigii la dhisay dakada Berbera waxaa iman jiray maraakib xajmigoodu yar yahay balse manta addunku wuu isbadalay oo waxaa jira marakiib aad u waawayn tirade kontinaraduna ay qadana ay badan yihiin, dakada Berbera awood uma laha imka ay ku sooo xidhaan marakibtaa aadka u xajmiga waawayn sababtoo ah waxay u bahan yihiin dakada hoos u qodan 14 – 15 Meter halka dakada Berbera ay imka qodan tahay 11 Meter

5) Somaliland iyo Ethiopia waxaa ka dhexeya ganacsi lagu qiyaasay 600 – 700 malyan ganacsigaasi dhinac buu ka raran yahay Ethiopia waxay inaga iibisaa badeecado badan oo uu ugu horeeyo Qaadku, Sibidh, Xoolaha ,Caanaha iyo khudrada iyadoo taasi jirto inagu wax badecada oo toos ah aan ka iibina ma jirto dhimnaca Ethiopia balse sida kaliya ee aan ku dabooli karno farqigaa wayn ee inoo dhexeya inaga iyo Ethiopia waa inaan u samayno adeeg kaaso oo noqonaya adeega dakada Berbera

6) bixinta saldhig military oo lasinayo dawlada Emrateka carabta waa mid soo kordhinaysa horumar dhinaca dhaqalaha iyo iskashiga dhinaca militryga ee labada dal, sidan ka war hayno wadankan jaarka an nahay ee Djabouti waxaa jooga quwado badan sida Maraykanka , France, Chine and Japen dhamantoodna waxay kala saxeexdeen heshiisayo danaha ugu jira labada dal iyo kirada sanadkii ee dhulka dalkaasi ka caawinta tababarada milittry ee ciidamada djabouti

Hadaba saldhiga military ee somaliland ka siinayso marsada berbera maxaa ka mida danaha ugu jira
1.  aqoonsi, dhinacyada passporka somaliland iyo isu socodks oo la fudaydiyo
2.  Dhaqaale xoogan oo qaranka iyo deegankaba ka soo gala.
3.  Damaanad qaad nabad gelyada Somaliland iney ka difaacan wixi dibeda Somaliland kaga soo duula (Agreement on Somaliland Security Guarantee).
4. somaliland waa in dawalada Emrateka ka taagertaa tababarida noocyada kala duwan ee ciidankeda
5. ka taagerida ladagalkanka budhcad badeeda

Ugu damabayntii waxaan ku talin lahaa Berbera uma bahna hadal balse waxay u baahan tahay horumar laga wada qayb qaato si loo gaadho horumarka baladhan ee aan higsanayno oo ah inaan noqono mid kamida dakadaha iyo garoomada casriga ah eek u yaal mandaqada Geeska afrika sidoo kale waa in loo dhaga nuglaado cid kasta oo wada horumarka Dakada Berbera

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
Samiir.net@gmail.com