“ Dawladda iyo Ganacsatadu Way Isku Afgarteen In la Dhaqaajiyo Warshadda Sibidhka,” Wasiirka Ganacsiga.

0
331

 “ Dawladda iyo Ganacsatadu Way Isku Afgarteen In la Dhaqaajiyo Warshadda Sibidhka,” Wasiirka Ganacsiga.

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Dr Cumar Shucayb, ayaa sheegay in la isla qaatay sidii loo dhisi lahaa warshadda Sibidhka ee muddada dheer hawl gabka ahayd. Waxa uu sheegay in laga shaqaysiin doono warshadaasi oo muhiim u ah qaranka, waxaanu sheegay inaanay waxba ka soo noqon doonin muranno ragaadiyay xilliyo hore oo la isku dayay sidii looga shaqaysiin lahaa.

Wasiirka oo todobaadadii u dambeeyay socdaal ku joogay xarunta gobolka Saaxil ee uu ka soo jeedo ayaa telefishanka Somnews khadka telefoonka ugu sheegay in dhakhso loo dhaqaajin doono warshadda Shamiitada ee gobolka Saaxil “ Waxaa dawladda ka go’an in warshadda la dhaqaajiyo oo dhakhso loo hirgaliyo, cid isku haysata iyo wax khilaaf ah oo hadda jiraana ma jiro,” ayuu yidhi wasiir Shucayb.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in ganacsatada, bulshada iyo dawladduba mabsuud ku yihiin sidii loo dhaqaajin lahaa warshadda, islamarkaana ay hayaan ilaa todobo arji oo ah cidda rabta inay maalgashato balse aanay jirin wax kala saarid ah iyo cid saami la siiyay toona “ Dawladda waxaa ka go’an in la dhaqaajiyo warshadda, ganacsatadana way ka go’an tahay, cid isku haysata oo kalena ma jirto, arrintii barigii horena way iska dhammaatay, markaa ganacsatada iyo dawladdu way isku raacsan yihiin kicinta warshadda,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin xulashada shirkadda ugu wanaagsan ee wax ka qaban karta warshaddaasi, islamarkaana ay si dhakhso ah u soo gabogabeyn doonaan kala doorashadooda. Warshadda oo muddo hawl gab ahayd ayaa la rumaysan yahay inay wax badan ka tari doonto baahida Sibidhka oo Somaliland waddamada dibada iyo Itoobiya ka soo waariddato.

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office