Maamullada Soomaaliya Oo Ka Dhega Adaygay Dhawaaqa Beesha Caalamku Ku Diidan Tahay Doorashada Janaral Moorgan iyo Cabdi Qaybdiid

0
454

Maamullada Soomaaliya Oo Ka Dhega Adaygay Dhawaaqa Beesha Caalamku Ku Diidan Tahay Doorashada Janaral Moorgan iyo Cabdi Qaybdiid

Hargeysa(Warsugan) Maamul gobolleedyada Soomaaliya ayaa iska dhego mariyay walaaca beesha caalamku ka muujisay hoggaamiye kooxeedyaddii iyo dambiileyaasha siyaasadda dib ugu soo laba kacleeyay ee lagu daray aqalka sare ee Soomaaliya. Xubnaha la diiday waxaa ka mid ah Cabdi Qaybdiid oo hoggaamiye kooxeed ahaa, kaas oo maamulka Galmudug u doortay inuu aqalka sare ku metelo.Waxa kale oo ka mid ah Janaral Moorgan oo Somaliland ka gaystay xasuuq ba’an xilligii dawladdii Siyaad Barre.

Waddamada isu bahaystay isbedel ka dhaca Soomaaliya ayaa arrintaasi ka soo saaray warqoraal ah kadib markii maamulladu ka dhego adaygeen qoraallo ay si gaar gaar ah ugu gudbiyeen.Beesha caalamka ayaa sheegaysa in arrintani ka soo horjeedo majaraha la rabo in Somalia u jehaysato ee ah dib u dhiska iyo soo kabashada, waxaanay ku baaqeen inaan dadka taariikhda xun ku leh bulshada Soomaalida aan lagu darin hoggaanka, maaddaama ay wiiqayaan dawladnimada iyo kalsoonida mushtamaca.

“Qaramada midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Urur goboleedka IGAD, Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya, Sweden iyo Talyaanigu, waxay si qoto dheer uga walaacsan yihiin in golaha sare ee Somalia iyo aqalka hoose ay ka mid noqdaan shakhsiyaad taariikhdoodu ku salaysan tahay dambiilenimo, fawdo iyo argagixisannimo, kuwaasi oo maamul gobolleedyadu ku soo dareen liiska musharaxiinta baarlamaanka,” ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.

Dalalkan ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in calmashada xubnahan ka soo qayb qaatay qalalaasihii iyo dagaalladdii sokeeye ee Soomaaliya dib u celinayaan bogga cusub ee la rabo in Soomaaliya uga guurto burburkii iyo amni darraddii 25 jirsatay “Doorashada iyo magacaabista xubno masuul ka ahaa fawdadii Somalia, kuna suntan dagaalladdii sokeeye ee Somalia, waxay ka turjumaysaa inay tahay tallaabo Soomaaliya dib ugu celinayso xilligii sumaysnaa ee la rabay inay bog cusub oo wanaagsan uga guurto,” ayaa lagu yidhi bayaanka beesha caalamka.

Dalalkan ayaa intaas ku daray in Soomaalida xilligan codayaysa ee dooranaysa xubnaha baarlamaanka looga baahan yahay inay tixgaliyaan sidii xafiisyada dawladda loo keeni lahaa dad soo celiya samcaddii madaxda, islamarkaana looga hor tagi lahaa kuwo curyaamiya kalsoonida bulshada iyo sharafta loo hayn karo dawladda iyo baarlamaanka soo socda.

Hase ahaatee Maamul gobolleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka gaws adaygay dalabka beesha caalamka, inkasta oo ay u hoggaansameen waxna ka qabteen walaacii beesha caalamku ku doonaysay in wax laga qabto saamiga haweenka “Runtii annaga wax naga khuseeya ma jiro muwaadin la doortay inaanu liiska ka saarno, kaas oo weliba kusoo baxay cod baarlamaan. Warqadana inaan uun maqalnay mooyeen weli nama soo gaadhin,” ayuu yidhi guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo xubnahooda lagu daray Cabdi Qaybdiid.

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office