Dr. Maxamed cabdillaahi oo madaxweyne siilaanyo hawada u soo mariyey tallooyin dhowr ah oo suulinaya laba gardaaqeyaasha xukuumadda

0
364

Dr. Maxamed cabdillaahi oo madaxweyne siilaanyo hawada u soo mariyey tallooyin dhowr ah oo suulinaya laba gardaaqeyaasha xukuumadda

“Siyaasadda Waxaan U Galay Inaan Curiyo Aragti Siyaasadeed, Guushii Saaxiibkey Ka Gaadhay Shirkii Golaha Dhexe-na Waxa Ay Ka Mid Ahayd Himilladii Aan Xilka Kaga Tegey”

“Madaxweyne, Wey Muuqataa In Rag Badani Fikirkaaga Ka Beydheen’e In Aad Sunnaha Dawleddnimo Mariso Waa Muqaddas, Ciddii Aan [Kula] Jaan-qaadi Karin-na Waajibkaaga Ka Gudo”

Hargeysa (Warsugannews)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee JSL Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Ayaa mar kale ka Hadley aragtidiisa Murrashaxa Madaxweynaha ee KULMIYE loogu caleemo saaray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil. Sida lagu baahiyey xalay barta HWN oo aanu warkan ka soo xiganay Dr. Maxamed Cabdillaahi Ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE kusoo gunnaanadeen kalfadhigoodii 5aad ee tobankii bishan ka qabsoomay Hargeysa, isaga oo sidoo kale bogaadiyey Musharraxiinta la doortay “Waan soo dhaweynayaa Guusha uu ka gaadhey Muuse Biixi Cabdi saaxiibkey Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KUILMIYE ee loogu doortey Murrashaxa jagada Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici, waxaanay guushaasi ka mid tahay himilladii aan Xilka kaga tagey”, sidaasi ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi, waxaanu intaa ku daray “ waan soo dhaweynayaa in Madaxweynuhu taa [himilladiisa] usoo noqdey, Waxaan leeyahey Madaxweyne wey muuqataa in rag badani kaa beydheen fikirkaaga waana muqadas in aad mariso sunnaha Dawladnimo oo aad waajibkaaga ka gudato midnimada iyo wadajirka KULMIYE, in aad ka hawl gashaana waa mid muhiim ah” ayuu intaa ku ladhay wasiirkii hore ee amuuraha khaarijiga iyo weliba ganacsigu.

Dr. Maxamed Cabdillaahi wuu sii waday xog-warrankiisa waxaana uu farta ku fiiqay midhaha aragti siyaasadeed oo curinteeda uu ku faanay, waxaana isaga oo la hadlaya Madaxweyanah uu ugu baaqay in cid kasta oo aan siyaasadda musharraxiinta xisbiga la jaan-qaadi karin ama aan taageersanayn musharraxnimadooda uu ka tirtiro saaxadda xukuumaddiisa iyo ta xisbul-xaakimkaba, “Waxaan siyaasadda u galay inaan aragti siyaasadeed curiyo oo aan dabadeed ka shaqeeyo sidii aan uga dhabayn lahaa hirgalinteeda xitaa haddii aan ku waayayo xilkayga sidii dhacday.

Maanta dadkii igaga soo horjeeday arrinkaa barigii hore way wada taageersan yihiin, ciddii aan la jaanqaadi karayn Musharraxiinta xisbiga ka saar xukuumadda oo ku bedel qaar dhisaya xisbiga iyo hoggaankiisa.” Ayuu kusoo koobay hadalkiisa. Hadalkan ayaa HWN oo HUBAAL warkan ka soo xigatay waxa ay sheegtay in uu ka soo yeedhay isaga oo waqti xaadirkan ku sugan magaalo madaxda wadanka Kiiniya ee Nayroobi oo beryahan dembe halkaas ku sugnaa, isaga oo markii shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo uu ergooyinkooda ka mid ahaa dhammaadayna dib ugu laabtay Nairobi oo uu markii hore uga soo ciyaar guday codaynta doorashadda Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Seylici.

Source: HWN