FALANQAYN: MAXAA SABABAY GUUSHII MUUSE BIIXI IYO GUULDARRADII ISBAHAYSIGA EE SHIRKII GOLAHA DHEXE EE KULMIYE

0
514
VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100

FALANQAYN: MAXAA SABABAY GUUSHII MUUSE BIIXI IYO GUULDARRADII ISBAHAYSIGA EE SHIRKII GOLAHA DHEXE EE KULMIYE

Shirwaynihii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka qabsoomay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, Salaasadii 10/11/2015 ee lagu dooranayey murrashaxiinta xisbiga ugu tartami doona doorashada hogaaminta waddanka (Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenka), waxa uu muujiyay guul u soo hoyatay guud ahaan dimuqraadiyadda Soomaliland, gaar ahaana xisbiga talada waddanka haya ee Kulmiye iyo tartamayaashii lagu doortay shirkaasi ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo taageerayaashoodiiba.

Marka la eego murrashaxiintii u tartamaysay mansabka Madaxweynaha, waxa iska horyimid oo uu sawirku ahaa sidan:

VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100
VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100

Nin shaqaystay iswajaheen (VERSUS) niman aan shaqaysan.

Waxaanay natiijadiisii noqotay sidan:

Nin Shaqaystay (344) iyo Niman aan shaqaysan ama eber helay (Nil).

Waxa caddaatay oo ay shacabka Somaliland intiisa badan iyo dadka siyaasadda ka faaloodaaba ay isla qirayaan in natiijada tartanku ay ku salaysnayd sababahan soo socda;

Sababta guusha siisay Muuse Biixi Cabdi oo helay 344 Cod

Sababta guuldarrada u keentay (murrashaxiinta Isbahaysatay) oo helay eber cod
a) khibrad gaar ah oo uu u leeyahay dadkiisa/beelaha Somaliland; a) Khibrad badan oo aanay u lahayn dadkooda/beelaha Somaliland;
b) Hankiisa inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland oo ahaa mid dhab ah oo aan madmadow ku jirin; taasi oo keentay inuu garanayo waxa uu doonayo iyo dariiqa loo marayo; b) Is huwanaantooda (Isbahaysigooda) oo madmadow galisay hankooda; oo aan la garanayn midkooda hanka lahaa, mid walibana uu sheegayay inuu murrashax yahay;
c) Isagoo samayn kara tanaasul marka ay taagan tahay ee uu arkayo in loo baahan yahay; taasi oo tilmaamaysa inuu siyaasadda u bislaaday; c) Iyagoo aan u bislaanin siyaasadda (Inaad mar ama marar badan aad jabto oo aad ka soo kabato); taasi oo keentay inaanay la imanin tanaasul (dhexdooda ah ama cid kale ah) marka loo baahan yahay;
d) Isagoo sidii ugu habboonayd uga shaqaystay (did his home work right) xubnaha golaha dhexe ee xisbiga iyo beelaha Somaliland; d) Iyagoo aan ka shaqaysan (did not do their home work at all) xubnaha golaha dhexe ee xisbiga iyo beelaha Somaliland; haseyeeshee mashquul ku ahaa sheegida iyo ku celcelinta murrashaxnimadooda, iyagoo aan tallaabadii taa ku xigi lahayd marnaba si abaabul ku jiro ugu dhaqaaqin;
e) Isagoo ku qanciyay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inuu haysto taageerada beeshiisa oo buuxda iyo aqlabiyadda xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye; e) Iyagoo ku qancin kariwaayay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay taageero buuxda ka haystaan beelahooda iyo ta xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye toona
f) Isagoo muddo dheer u samrayay goolka uu maanta dhaliyay; taasi u noqotay barasho gaar ah oo khusaysa dariiqa uu u marayo ujeeddadiisa; f) Iyagoo aan soo samrin muddo dheer oo doonayey inay sameeyaan waxa loo yaqaano “Short Cut’’ si ay u gaadhaan guul deg-deg ah;
g) Isagoo tartamay, si kalsooni ku jirtana u yimid miidaankii lagu tartamayay; taas oo tilmaamaysa inuu kasii gaashaantay oo uu diyaar u ahaa; g) Iyagoo qaadacay inay ka soo qaybgalaan tartanka; iskuna dayayey in shirweynaha dib loo dhigo; taas oo tilmaamaysa inaanay diyaar ahayn, isla markaana aanay jeclayn in laga guulaysto;
h) Isagoo taageero ka haystay maamulka xukuumadaha aynu jaarka nahay, sida Djibouti, Ethiopia, IWM. h) Iyagoo aan wax taageero ah ka haysan maamulka xukuumadaha aynu jaarka nahay. Haddii laga tagiwaayo waxay taageero ka haysteen ururro qarsoon ama “Secret Society’’ aan ujeeddooyinkoodu waafaqsanayn afkaarta dawladaha caadiga ah iyo ujeeddooyinka Somaliland;
i) Isagoo aan xil ka qaban oo dibada ka joogay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuna bedeshay inuu noqdo murrashaxa Madaxwene ee xisbiga Kulmiye marka waqtigeedu yimaado; i) Iyagoo mansabyo waawayn ka qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana si qaldan uga faa’iidaystay mansabyadaasi.
j) Isagoo ahaa wiil hoogii bilaabay taayirkan rogmanaya ee beelaysan ee ka dhexjiray Xisbiga Kulmiye. j) Iyagoo dhexda kaga soo dhacay taayirka rogmanayey oo uu qaaday uun damac loo dhigi karo “ku qabso ku qadimayside”.
k) Isagoo muujiyay ilaalin badan oo khusaysa jiritaanka xisbiga iyo dawladnimada Somaliland oo ay lexejeclo gaar ahi ka haysay labadaba. k) Iyagoo aanay ka muuqan lexejeclo ay u hayaan jiritaanka xisbiga iyo dawladnimada Somaliland; taasi oo ay ku caddeeyeen iscasilaadoodii isku marka ahayd.

Sababahan aynu soo sheegnay ayaa ahaa kuwa ugu muhiimsanaa ee keenay natiijadii shirweynihii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee 10/11/2015. Qoraallada soo socda waxaynu kaga faalloon doonaa dariiqa siyaasaddeed ee mustaqbalka la gudboon isbahaysiga murrashaxiinta lagaga guulaystay tartankii jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ee xisbal-xaakimka KULMIYE.

Qoraalkan oo luuqadda Ingiliishka ah waxaad ka helaysaa dhawaan bara internetka.

Waxa qoray:

Siciid Maxamed Jaamac

Falanqeeyey siyaasadeed oo madaxbannaan (Independent Political Analyst)

Email: saidbood@gmail.com